HOHADNEWS.COM
Tababare Joachim Low Oo Go’aan Adag Ka Qaatay Doorashada Labadiisa Goolhaye Manuel Neuer Iyo Marc-Andre ter Stegen.
March 17, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARAHA(HOHAD NEWS)

 

Tababaraha qaranka Jarmalka Joachim Low ayaa go’aan ka qaatay doorashada labadiisa goolhaye Manuel Neuer iyo Marc-Andre ter Stegen, waxeyna arintaan ku timid kadib markii saxaafadda wadanka Jarmalka ay soo hadal qaadeen bandhigyada labada xiddig iyo sida ay xaaladdu tahay ka hor kulamada isreeb-reebka koobka qaramada yurub ee la ciyaari doono bishaan.

Bayern Munich ayaa ku dhibaatooneysa tartanka yurub, waxeyna isbuucii soo dhamaaday ku baxeen gacmaha Liverpool, halka Barcelona ay si awood leh usoo gaartay quarter final-ka iyadoo garab weyn ka heleysa goolhayaheeda reer Jarmal.

Macalinka ku guuleystay koobka Adduunka ayaan hoos u dhigin awoodda uu leeyahay xiddigiisa Marc-Andre ter Stegen, balse wuxuu si cad u qeexay in dooqiisa koowaad uu mar walba noqon doono Manuel Neuer.

“Gabi ahaanba ma aan badalin fikradeyda, Neuer ayaana dooqa koowaad ee goolka ah” ayuu yiri Joachim Low.

“Sidii aan sheegay November, hadana waan ku celinayaa, waa dooqeena koowaad, waana kabtankeena”

Dhanka kale Low wuxuu qiray inuu fursad siin doono Marc-Andre ter Stegen si uu usoo bandhigo tayadiisa.

“Sanadkaan waxaan ciyaari doonaa isreeb-reebka tartanka qaramada yurub iyo kulamo saaxiibtinimo”

“Ter Stegen wuxuu u ciyaaraa koox weyn, waa xiddig heer caalami ah, waxaana siin doonaa fursad uu ku ciyaaro”

“Sida iska cad waxaa jiri doona tartan boos walba ah, balse waxaan ugu yaraan dhihi karaa booska goolhayaha, waxaa sii wadi doona Neuer kaas oo kusoo bilaaban doona”

Germany waxey wajahi doonaan Serbia maalinta arbacada ah kulan saaxiibtnimo ka hor inta aysan Netherlands la ciyaarin Axadda kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka qaramada yurub ee 2020.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews