HOHADNEWS.COM
Raysalwasaare Abiy Axmed Iyo Farmaajo Oo Ka Wada Hadlay Afar Qodob Oo Uu Ku Jiro Qodob Ku Saabsan Somaliland
March 7, 2019 - Written by wariye sakariyeRaysalwasaare Abiy Axmed Iyo Farmaajo Oo Ka Wada Hadlay Afar Qodob Oo Uu Ku Jiro Qodob Ku Saabsan Somaliland Xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in Raysalwasaare Dr. Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, ay ka wada hadleen afar qodob oo mid ka mid ahi uu khuseeyo Somaliland. Labada masuul oo xalay u socdaalay iyagoo wada jir ah dalka Kenya si loo dejiyo xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, ayaa ka hor socdaalkooda waxay shalay kulan ku yeesheen magaalada Addis Ababa, waxaanu xafiiska Raysalwasaare Abiy Axmed, sheegay inay labada masuul ka wada hadleen qodobadan.
Geesta kale, wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa qoraal ay xalay ku baahistay barta ay ku leedahay twitterka waxay ku sheegtay inay Somaliland soo dhawanayso weedho ay sheegtay in maamulka Farmaajo ee Soomaaliya uu ku sheegay inaanay Soomaaliya meeli uga banaanayn farogelnta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Qoraalkan wasaaradda khaarajiga Somaliland kumay faahfaahin weedhahan ay sheegtay in Farmaajo laga soo xigtay. COMMENTS
|
||
|