HOHADNEWS.COM
Maxay Ahayd Sababta Dawladii Siyaad Bare Duuliyeyaal Koonfur Afrika U Dhashay Ay Ugu Kiraystay Duqaynta Hargeysa?
March 22, 2019 - Written by Hohad Office

HARGAYSA (HOHAD NEWS)

Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa ka waramay duuliyeyaashii u dhashay wadanka Koonfur Afrika ee loo soo kiraystay inay duqeeyaan magaalada Hargeysa.

 

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo ka waramaya sababaha keenay in dawladii Siyaad Bare ay duqaynta magaalada Hargeysa u soo kiraysto duuliyeyaal u dhashay Koonfur Afrika ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidh “Waxaan halkan kusoo bandhigayaa sawirka ay ka muuqdaan duuliyayaal south African ahaa ee xukuumadii maxamed siyaad bare usoo kiraysatay inay duqeeyaan caasimada somaliland ee hargeisa 1988 ka dib markii uu ku kalsoonaan waayay duuliyayaashii soomalida qaarkood ka dib markii ay qaar diideen inay duqeeyaan magaalada Hargeisa iyo dabargoynta dadkii daganaa oo la xasuuqayay.

Halkan ay taagan yihiin waa Cigaal international airport waxaan halkan ku xasuusinayaa muuqaalkaa foosha xun leh inuu arko hadii uu damiir uu leeyahayna uu wax ku qaato madaxweynaha jamhuuriyada wadaaga ah ee soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo oo Madaxweynihii siyaad bare ee ficilkaa xun gaysanayay uu ahaa adeerkii soona barbaariyay Maxamed Farmaajo.

Waxaan muuqaalkaa aan usoo muujiyay oon ugu talo galay inay arkaan dhalinyarada u dhalatay jamhuuriyada somaliland ee waqtigaa caruurta ahaa ama aan dhalanba si ay u arkaan taariikhda madaw ee dalkooda lagu duminaayay dadkoodana lagu Gumaadayay si ay uyeeshaan dareen wadiniyadeed ugana baxaan fikirka qabiiliga ah waxaan taa u leeyahay waxaan maalin dhawayd soo dhigay barta aan facebooga ku leeyahay Magacyadii Saraakiishii inqilaabka sameeyay 1961 si ay usoo celiyaan madaxbanaanidii iyo gobonimadii somaliland waxaanan arkay qaar kamid ah dadkii arkay inay qaarkood hab qabiili ah uga falceliyeen arintaa Saraakiishaasina waxay ahaayeen saraakiil ka dhiidhiyay ambashadii iyo dulmigii ku dhacay Somaliland uu aayaheedii danbena noqday in la xasuuqo Somaliland dadkeeda abaal daro wayna loo gaystay iyagoo ahaa dadkii doonaayay in shanta gobol ee soomaalida ee guumaysigu qaybiyay hal dal,hal dawlad iyo hal calan lagu mideeyo hal ku dhigooduna wuxuu ahaa ” War bal ila jiid waa jabuutoo jamhuuriyadaan ku darayaa ,Waar bal ila jiid waa jigjigoo jamhuuriyadaan ku darayaa iyo Wajeereey calanka hoo”.

Saraakiishaa aan ka soo sheekeeyay iwaa in loo aqoonsado geesiyayaashi iyo halgamayaashii u horeeyay somaliland .

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews