HOHADNEWS.COM
KULANKII QARNIGA: Sir Alex Ferguson Iyo Jurgen Klopp Oo Kulan Iskugu Imanaya, Sababta Xilligan Keentay Iyo Waqtiga Uu Qabsoomi Doono
March 27, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARAHA (HOHAD NEWS)

Sir Alex Ferguson Iyo Jurgen Klopp ayaa la sheegay inay ku ballameen kulan casho ah oo ay yeelan doonaan markii ugu horreysay taariikhdooda.

Sir Alex Ferguson oo dhawaan lagu sameeyey qalliin maskaxda ah ayaa dib ugu soo laabtay daawashada ciyaaraha, isagoo si buuxda uga soo kabanaya xanuunkaas, waxaana uu ruug caddaaga  guulaha badan gaadhsiiyey Manchester United uu qaadhaan lacageed gaadhsiiyey usbuucii hore cusbitaalkii lagu daweeyey ee NHS.

Ferguson ayaa gacanta ka galiyey Cusbitaalka NHS lacag dhan £400,000, waxaana uu lacagtaas kasoo ururiyey sameyaal kala duwan xilli aanu abaabulin ciyaar qaadhaan ururin ah.

Fred Done oo ah mulkiilaha Betfred ayaa la sheegay inuu bixiyey £100,000 ka mid ah lacagtaas.

Kaddib markii uu lacagtaas guddoonsiiyey cusbitaalka, Ferguson ayaa la xidhiidhay tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp, waxaana uu u sheegay inuu doonayo inuu casuumad casho ah u sameeyo

Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga helay goobta iyo waqtiga, balse warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in toddobaadyada soo socda uu noqon doono kulankoodu, iyagoo ka wada hadli doona arrimo badan oo kubadda cagta ku saabsan xilli ay Liverpool halgan ugu jirto inay gacanta ku dhigto horyaalkeedii ugu horreeyey ee Premier League ah kaddib muddo 28 sannadood ah oo ay ka qatanayd.

Lama sheegin in Sir Alex Ferguson uu siin doono Jurgen Klopp khiddadda iyo talooyinka uu uga baahan yahay guul uu ka gaadho Premier League, balse waxa ay wararku tibaaxayaan in kulankaas uu qayb ka noqon doono maalqabeenka Fred Done.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews