HOHADNEWS.COM
Kenya oo shaacisay in hub rasaas iyo askar ay ka qabatay Al Shabaab
March 14, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA DIBADDA(HOHAD NEWS)

Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Kenya ayaa war kasoo saartay dagaal ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo Al Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Kenya ayaa shaacisay in seddex kamid ah Al Shabaab ay ku dileen weerarka islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid kamid ah ciidamada Al Shabaab.

Sidoo kale wasaaradda ayaa soo bandhigtay hub iyo rasaas badan oo ay sheegeen inay ka furteen ciidamada Al Shabaab ee ay kula dagaalameen deegaanka Buula Xaaji ee gobolka Gedo.

Afhayeenka Ciidanka difaaca Kenya Paul Njuguna ayaa sheegay in ciidamada Kenya oo ku jiro howlgal Roondo ah ay weerar kala kulmeen Al Shabaab, kadibna ay dileen xubnaha ka tirsan Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in qoryaha ay gacanta ku dhigeen ay ku jiraan labo qori oo nooca AK 47 ah iyo rasaas badan oo ay lahaayeen Al Shabaabka weerarka gaadmada ah ku qaaday ciidamada Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Ciidamooda ku jira AMISOM ay heegan sare ku jiraan marwalba una diyaar garoobeen in ay ka hortagaan weerarrada AL-shabaab.

Ciidanka Kenya ayaa Bishii January ee la soo dhaafay sheegay in ay dileen 7 ka mid ahaa Al-shabaab kana qabsadeen hub farabadan.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews