HOHADNEWS.COM
Hindiya Oo Duqaysay Goobo Pakistan Ka Mid Ah Iyo Xaaladda Labadan Dal Oo U Muuqata Mid Faraha Ka Baxaysa
February 27, 2019 - Written by wariye sakariye

 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaan dhigga waddanka Hindiya ayaa sheegay in ciidamada waddanka Hindiya ay saaka subaxnimadii hore weerar gantaalo iyo duqayn diyaaradeed ah ku qaadeen goobo ka mid ah Kashmiir qaybta ay Pakistan maamusho iyaga oo sheegay in ay bartilmaameedsadeen saldhigyo ay Hindiya ku sheegtay in ay yihiin kuwo argagixiso ah oo ahaa kuwii laga soo weerari jiray sida uu Afhayeenkani u sheekay.

Kumar Sing, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaan dhigga Hindiya waxa uu wakaaladda wararka ee dalkaasi u sheegay in ciidamada Hindiya ay saaka arooryadii hore duqeeyeen goobo ka mid ah dhulka Kashmiir gaar ahaan qaybta ay Pakistan maamusho tallaabadaasi oo uu masuulkan Hindiya u hadlay ku macneeyey mid ay xaq u leeyihiin oo ay kaga jawaabayeen weerarkii Bishan horaanteedii lagu dilay 47-ka askari ee ka tirsanaa cidiamada Hindiya kuwaasi oo lagu laayay goob u dhaw xuduudda Kashmiir ay Hindiya ka maamusho.

Masuulkan Hindiya u hadlay waxa uu sheegay in ay weerarka la eegteen goobo ay ku sugan yihiin islaamiyiin xag-jir ah oo inta badan weerarro ku soo qaada Hindiya balse waxa weerarkaasi dhinaca kale dareen cadho leh ka muujiyay waddanka Pakistan oo war uu mar dhawayd weerarkan ka soo saaray ku sheegay mid daandaansi ah oo ay Hindiya ka qoomamayn doonto.

“Waa weerar xaalad abuur ah oo gardarro ah. Pakistan waxa ay uga jawaabi doontaa si waafi ah oo ay ka qoomamayn doonto India” sidaa waxa lagu yidhi qoraal kooban oo wasaaradda Gaashaan dhigga Pakistan ku baahisay barteeda Twitter.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews