HOHADNEWS.COM
Cabsi ka jirta Villa Somalia iyo garoonka Muqdisho WAA MAXAY SABABTU!!!
March 22, 2019 - Written by Hohad Office

MUQDISHO (HOHAD NEWS)

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halka ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya banaanka loo soo saaray iyagoo wata gaadiidka dagaalka kadib cabsi ka dhalatay ciidamada gadoodka ah ee wali ku sugan degmada Balcad.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho la geeyay ciidan dheeraad ah oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya si loo adkeeyo amaanka garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale ciidanka ilaalada Madaxtooyada ee keydka ahaa ayaa banaanka loo soo saaray iyadoo 4-ta Kontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada la dhigay gaadiidka dagaalka oo dhowr xabo ah.

Wararka kale ee aan helnay ayaa sheegaya in Madaxtooyda laga joojiyay in agagaarkeeda lala yimaado wax ka badan 4 Askari oo istaaf ah, iyadoo lagu wargeliyay wasiirada qaar ee lagu ilaaliyo dhowr gaari ee Cabdi bilaha ah.

Arimahaan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya oo sameeyay gadood kuwaas oo sheegay in aysan istaagi doonin ila magaalada Muqdisho ay kasoo galaan.

Ka sokow ciidamadan, waxaa sidoo kale cabsida qeyb ka ah in haddii ciidanka soo galaan Muqdisho aysan jirin doonin cid Shabaabka gobollada Shabeellooyinka ka hor-istaagaysa inay Xamar soo galaan, maadaama ciidankii gadooday ay yihiin kuwi hortaagnaa.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews