HOHADNEWS.COM
Xog Cusub Maamul Goboleedyada oo ku kala qeybsamay shirka amniga Qaranka ee Muqdisho + Sababta
September 17, 2018 - Written by wariye sakariye

Xog gaar ah oo an ka helnay Sanatarada Aqalka Sare ee ku sugan magaalada Garoowe xarunta Maamulka Puntland ayaa muujinaysa in Madaxweyne Cabdiwali Gaas uu ka laabaty go’aankiisii hore ee ku aadanaa shirka Wada tashiga ee ka dhici lahaa Muqdish, kaas oo ay ku baaqday Dowladda Federaalka ah.

Arrinkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in Dowladda Itoobiya ay gacmaha ka laabatay soo fara gelinta khilaafkan, taas oo culeys siyaasadeed ku noqoneysa mowqifka Maamul Goboleedyada.

Wararka aan ka helayno Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa muujinaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ka codsaday Madaxde kale ee Madasha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada in ay fursad u siiyaan inta ka dhiman bishaan, sidii uu uga soo qancin lahaa Madaxda Itoobiya iyo Kenya in ay soo fara geliyaan khilaafka u dhexeeya iyaga iyo Dowladda Dhexa.

Lama oga in dadaallada Madaxweyne Axmed Madoobe ay mira dhal noqonayaan, balse Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ka walaacsan gaabka ku yimid Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo haatan ku jira xaalad kala guur ah, maadaama la badaley Danjire Keating, Wakiilkii kalena aan wali xilka lagu wareejin.

Xaaf iyo Waare ayaa aaminsan in arrinkan iyo mowqifka Itoobiya ee ka dhanka ah ay ka faa’ideysan karto Dowladda Federaalka oo ay ku eedaynayaan in ay hoosta ka riixeyso mooshinada laga wado.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa haatan u nugul in ay dib ula heshiiyaan Dowladda Farmaajo, sida dhacday dhammaadkii bisha October ee sanadkii 2017-ka xilligaas oo ay taagnayd xaaladdan oo kale, lagagana gudbay heshiiskii is afgarad ee ka dhashay Shirkii Golaha Amniga Qaranka.

Go’aanka Madaxweynaha Puntland ee ku aaddan ogolaanshaha shirka Muqdisho ayaa u fuudeynaya Ergeda Aqalka Sare ee Hirshabeelle, Galmuug iyo Konfur Galbeed in ay si deg deg ah ugu mira dhaliyaan wada xaajoodyada ay wadaan, waxaana la filayaa in aan laga war dhowrin dadaallada Madaxweynaha Jubalanad ee ku qotoma Itoobiya iyo Kenya.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews