HOHADNEWS.COM
Wararkii ugu dambeeyay dagaal xoogan oo dhexmaray Kooxda Macaawiisleey iyo Al Shabaab
March 12, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA DALKA (HOHAD NEWS)-Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaal uu dhexmaray kooxda Macaawiisleey iyo ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida dadka deegaanka ay sheegeen, waxaana lagu waramayaa inay khasaaro kala gaartay dhinacyada dagaalamay.

Dagaalka xoogiisa ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lagu waramayaa in khasaaro uu ka dhashay dagaalka.

Kooxda Macaawiishleey ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday saldhigyo ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dagaalka uu socday ku dhawaad 30 daqiiqo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Labada dhinac wax faahfaahin ah kama aysan bixin, laakiin dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhaawac gaaray dhinacyada dagaalamay.

Sidoo kale mid kamid ah xubnaha kooxda Macaawiisleey ayaa sheegay inay Al Shabaab ka dileen xubno saraakiil ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga la weeraray.

Cabsi xoogan ayaa ka taagan deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Cadale ee gobolka, waxaana dadka deegaanka ay ka baqayaan in markale lagu dul dagaalamo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews