HOHADNEWS.COM
WAR DEG DEGA : Neymar JR Oo Si Aan Gabasho Lahayn Uga Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Real Madrid & Haddii Uu Ku Hammiyayo Ku Laabashada Barcelona.
March 4, 2019 - Written by Hohad Office

Hoggaamiyaha kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar JR ayaa ka hadlay wararka la xidhiidhinaya inuu ku biirayo kooxda caasimada Spain ee Real Madrid iyo haddii uu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona.

Neymar ayaa ugu horreynba sheegay in ciyaartoy kasta ay sharaf weyn u tahay in lala xidhiidhiyo Real Madrid sidoo kalena uusan garanayn mustaqbalka waxa dhacaya balse uu ku faraxsan yahay kooxdiisa PSG.

“Ma haddii aan doonayo inaan u ciyaaro Real Madrid? Iyagu waa mid kamid ah kooxaha ugu waaweyn dunida, Ciyaartoy kasta oo lala xidhiidhiyo Real Madrid waxa uu dareemi doonaa soo jiidasho ciyaartoyga ah oo halkaas ah” Ayuu u sheegay Globo TV.

“Jacaylka alle dartii, Anigu kama hadlayo u ciyaarista Real Madrid, Is dejiya, Anigu farxad ayaan ku dareemayaa Paris, Anigu aad ayaan ugu wanaagsanahay halkaas laakiin mustaqbalka qofna ma oga”

“Way cadahay in Real Madrid ay tahay koox weyn, Mid kamid ah kooxaha ugu fiican dunida aniguna ixtiraam ayaan u hayaa iyaga laakiin halkan ayaan ka dhex arkaa naftayda”

Dhinaca kale, Neymar oo ka hadlaya haddii ay macquul tahay ku laabashada Barcelona ayaa sheegay inay riyadiisa ahayd inuu u ciyaaro Barca isla markaana uu dareemayo inuu riyadaas gaadhay.

“Ujeedayadu waxa ay ahayd inaan u ciyaaro Barcelona, Waxa ay ahayd riyo waanan gaadhay midaas, Qofkasta wuu ogyahay”

“Taasi markasta waxa ay ahayd riyadayda, Waxa ay ahayd wax aan mar yidhi markii aan carruurta ahaa waanan gaadhay, Waxaan dareemayaa inaan dhammaystiray”

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews