HOHADNEWS.COM
RIKOOR: Sadio Mane Oo Rikoor Taariikhda Galay Sameeyay Kulankii Ay Guusha Ka Heleen Fulham & Xiddiga Uu Kala Wareegay.
March 18, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARHA(HOHAD NEWS)

Liverpool ayaa dib ugu soo laabatay hogaanka horyaalka Premier League kadib markii ay 2-1 ku garaaceen Fulham kulan dhacay Axaddii, waxeyna tani ka dhigan tahay iney si kumeel gaar ah kaga sarreyn doonto difaacdayaasha horyaalka Manchester City.

Jurgen Klopp iyo wiilashiisa ayaa hadda laba dhibcood ka sarreeya wiilasha Guardiola kuwaas oo kulan baaqi ah gacanta ku heysta, maadaama ay isbuucaan ciyaareen wareega quarter final-ka koobka FA Cup-ka.

Guushii quruxda badneyd oo ay gaareen Reds waxaa masuul ka noqday Sadio Mane iyo James Milner kuwaas oo kala dhaliyay labada gool, balse xiddiga reer Senegal ee horay ugu soo ciyaaray Southampton wuxuu sameeyay rikoor taariikhi ah.

Wuxuu shalayto dhaliyay goolkiisii 11-aad, 11-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada oo dhan, halka saaxiibkiisa Salah uu ku dhibtoonayo gooldhalinta kulamadii ugu dambeeyay.

Dadalkii uu sameeyay ciyaartii Craven Cottage wuxuu ku muteystay in lagu qoro buugga taariikhda horyaalka Premier League maadaama uu noqdo xiddigaha u dhashay wadankiisa kan ugu goolasha badan hal fasal ciyaareed taariikhda horyaalka Premier League.

Rikoorkaan waxaa horay u heystay Demba Ba oo 2012 u dhaliyay kooxdiisa Newcastle United 16-gool, balse haatan Sadio Mane wuxuu marayaa 17-gool isagoo wali heysta inuu goolal kale sii dhaliyo kulamada harsan.

Sadio Mane wuxuu dhanka gooldhalinta horyaalka barbaro la yahay hadda Harry Kane, Piere-Emerick Aubameyang iyo Salah, kaliyana wuxuu hal gool ka hooseeyaa Sergio Aguero.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews