HOHADNEWS.COM
”Qatarta basaasiinta Amiina Al-mufti tusaale ahaan ”sh.sharmaarke maxamed (bukhaari)
December 13, 2018 - Written by wariye sakariye

Qatarta basaasiinta Amiina Al-mufti tusaale ahaan 

_______________________________________________

say udhacday in gabadh yar oo debadda kaga timi wadan carbeed ay sabab ugu noqotay jabka umad dhan oo u halgamaysa inay soo ceshato dhulkeedii?!!

wuxuu ina barayaa quraanku in qisasku ku fadhiyaan  macne ka badan in lagu sheekeeyo ama caruurta lagu maaweeliyo eebbe weyne wuxuu in aayad iyo lababa ka badan Inoogu sheegayaa in aynu ufiiirsanno qisaska  ayna ku sugantahay cibro iyo waxku qaadasho badani wuxuu eebbe weyne yidhi : (لَقَدْ كَانَ فِي قَصَصِهِمْ عِبْرَةٌ لِأُولِي الْأَلْبَابِ) suuradda yuusuf 111 .

Hadaba qisada gabadhani waa mid aad moodo inay wax badan inooga tarayso marka aynu daraasaynayno waxa keenna jabka ummadaha iyo in laga guul daraysto .

Waa gabadh carbeed oo ku kortay dal carbeed waxbarashana ku tagatay dunida reer galbeedka muddo yar gudaheedna ku noqotay xubinta sirdoon ee ugu caansan shabakada (Mozad ) ee sirdoonka yuhuudda , yadoo ay sabab u ahayd jabka iyo inay wiiqanto awoodda ururadda iska caabinta filistiiniyiintu.

say udhacday ?  !!!!

Waxaan jecelahay inaan qormadan yar kusoo bandhiggo waxa aynu ka qaadanayno qisada gabadhan carbeed ee aad moodo mucjisada sixirtay caqliga niman ku jiray dirir qadhaadh.

1-ugu horaynba waxaad fahmaysaa markaad qisada bilawgeeda marayso barbaarin xumada haysatay Amiina , waxaad fahmaysaa in qofku aanu kazoo hadhin ababinta hore ayna keeni karto inay lunto shakhsiyadii qofka u gaarka ahayd sida ku dhacday Amiina , taasina waa waxa keenay inay Amiina ay kala garan waydo miisaanka ay saarayso cadawgeeda iyo xigtadeeda , nasiib darro se, dhalin aad ufara badan oo bulshada muslinka ahi waxay latacaalayaan mushkiladan ay eedday Amiina almufti .

2- waxa isla qisadan aynu ka fahmaynaa taas lidigeed oo ah in hadii loo sheego ama ay noloshu barto cidda uu isagu yahay ama shakhsiyadiisa waxa ay qeyb weyn ka qaadanaysaa mustaqbalkiisa iyo dhismihiisa nololeed ee aduunyo , waxa taas tusaale inoogu ah cali xasan zalaama oo ahaa madaxa xafiiska sirdoonka ururada iscaabinta ee filistiiniyiinta waxaana ay si dhabba noloshiisu u bartay cidda uu yahay yadoo uu yariintiis waayay aabihii oo ay hortiisa ku dileen yuhuuddu waxa uu yaqiinsaday carabnimadiisa iyo inay yuhuuddu yihiin cadowgiisa dhab ah .

3- waxa qisadan ka muuqata in saaxiibka xumi uu yahay mid ku jiidanaya oo aad ka dhaxli kartid dhaqan xumo kuu horseedda inaad hoogto aakhiro iyo iftiinba , Amiina almufti markii ay fiyeena –caasimada usteri- utimid inay jaamacad ka barato  isla markaana ay kali ay ku noqotay waxay baratay ardayad reer south Africa ah oo ay ka dhaxashay dhaqan xumada ah in ay isguursadaan dadka isku jinsiga ahi , dhaqan xumadaa oo illaa nolosheedii danbe saamayn xooggan ku yeelatay , waxa kale oo aynu ka fahmaynaa wixii ku dhacay khadiija alzahraani oo ahayd ganacsato reer urdun ah oo ay wanjashay abeesadda Amiina almufti qaadsiisayna suntii ay ka dhaxashay saaxiibadeed .

4-waxa qisadan ka muuqanaya ahmiyadda uu waalidku ku leeyahay dhismaha bulshada oo hadii Amiina almufti yaraanteedii waalidkeed ka dhaadhin lahaayeen carabnimadeeda ma ay dhacdeen in ay Amiina marin habowdo karkaarkana waydaarato dhibka intaa le,eegna soo gaadhsiiso carabta .

5- waxa qisadan ku cad inay suuro gal tahay in qofka la adeegsado laguna shaqaysto yadoo aan la qasbin ama aan la handadin laakiin ay suuro gal tahay in maskaxdiisa la qafaasho oo jeel yar lagu xidhdho , yadoo loogu sheekaynayo dhalanteed iyo malo awaal aan waxba ka jirin laguna sii akidayo in cuqdad loo galiyo ciddii cid qofka ugu xigtay dhaaro been ah iyo balanqaadyo aan waxba ka jirinna loogu darayo , runtii wadaadaasi waa wadada uu ibliisku dadka ku lumiyo waana wadada ay qaaday hay,adda sirdoonka yuhuudda ee ( Mozad ) , waxa ku cad aayaadka quuraanka in ibliis uga khudbadayn doono naarta cidda raacday isaga oo afbuuxa ugu cadaynaya inaanu isagu cidna soo qasbin qofwalibana uu naftiisa canaanto ,( وَقَالَ الشَّيْطَانُ لَمَّا قُضِيَ الْأَمْرُ إِنَّ اللَّهَ وَعَدَكُمْ وَعْدَ الْحَقِّ وَوَعَدْتُكُمْ فَأَخْلَفْتُكُمْ وَمَا كَانَ لِيَ عَلَيْكُمْ مِنْ سُلْطَانٍ إِلَّا أَنْ دَعَوْتُكُمْ فَاسْتَجَبْتُمْ لِي فَلَا تَلُومُونِي وَلُومُوا أَنْفُسَكُمْ مَا أَنَا بِمُصْرِخِكُمْ وَمَا أَنْتُمْ بِمُصْرِخِيَّ إِنِّي كَفَرْتُ بِمَا أَشْرَكْتُمُونِ مِنْ قَبْلُ إِنَّ الظَّالِمِينَ لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ)  suuratu ibraahiim aayadda   22aad .

Waxaanad moodaa in Amiina alamufti ay dhamaadkii nolosheeda heshay khudbadii( Mozad) ee ahayd inay humaag iyo dhalanteed hoos jooogtay kuna rafaaday waxaan dan badani ugu jirin , laakiin waxa udhiman inay dhagaheeda ku  maqasho khudbadii macalinkii Mozad oo ah ibliis .!!!!

6- waxa qisadan ka muuqata in liidashada hanka bulshada halgan ku jirtaa iyo dhaqan xumada , dabbaalnimada , ka fogaanshaha ilaahay , xishood darrada , qofka kaliga ah ee kamid ah bulshadu –gaar ahaan – madaxdu , uu sababi karo guul darrada bulsho iyo shacab heelan , waana waxa kali ah ee jawaab unoqon kara suaasha ah : say udhacday in gabadh yar oo debadda kaga timi wadan carbeed ay sabab ugu noqotay jabka umad dhan oo uhalgamaysa inay soo ceshato dhulkeedii maqnaa ? .

Amiina almufti waxa ay si dhib yar ku helaysay xogo aad u muhim ah oo ay ahayd inaan ciddina ogaan yada oo adeegsanaysa jidhkeeda cuddoon iyo dhaqan xumada ay kalifayso danaha waaweyn ee ay leedahay .

7- waxa qisadan aynu ka baranaynaa in faanka iyo isbuunbuuntu ay dhib weyn kugu keeni karto marka aad halgan ku jirto , siiba faanka aad umuujinayso cid aanay muhim ahayn inay ogaadaan wax qabadkaaga , marka laga tago inay wax yeelayso ikhlaaska iyo inaad ilaahy dartii waxwalba uqabato , taasina waxay ka muuqanaysaa xogaha basaasnimo ee ay helaysay Amiina almufti oo ahayd qaar ku soo qaadhay faan ay umuujiyeen masuuliyiin ay iska dhaadhicisay !!!!

8- waxa qisadan ku cad in hadii bulshadu ay noqoto mid ka fog dhaqan wanaagga qiimaysona dano aduunyo oo kali ah isla markaana la ilaawwo  hadafka guud ee nolosha ay ka leeyihiin ay marag ma doontahay in ay bulshadaasi jabto , Amiina waxa ay kusoo baxsatay bulsho ku jirta tumasho iyo khamri iyo in lagu baratamo dhaqan xumo iyo liidasho hadana halgan iyo dagaalkujirta , waxaanay si dhibyar uga gun gaadhay waxay dan ka lahayd yadoo dabin uga dhigtay waxay qiimaynayeen .

9-waxa qisada ka muuqata in sida shareecaduba ay inoo iftiiminayso aynaan ku dagsoomin dadku waxa ay inoo muujinayaan xadna uyeelno jacaylka aynu uqaadayno dadka muujinaya daacadnimada waayo ma ogin waxa u qarsoon  waayo cidina may filayn in  Amiina almufti oo umuuqatay muwaadinad carbeed iyo halyeeyad umadeed inay tahay basaasad ushaqaynaysay danaha cadawga , qofna maankiisa ma aanu  galin in illinta ka soo baxaysay indhaheeda markay khudbadaha guubaabada ah ujeedinaysay ciidamada filistiiniyiintu ay tahay mid isbihinbihin iyo isku qasab ah ay tahay .

10- waxaynu qisadan ka qaadanaynaa in hadii ay sirtu adiga ku dhaafto aanay ahayn sir taasina waxay jawaab buuxda  utahay su,aasha ah : say ku dhacday in sirta ay maqashay saarah oo ku nool yurub  yahuudiyadna ahi  ay usoo qaadhay sirdoonka filistiiniyiinta isla markaana sabab ugu noqotay in xabsiga loo taxaabo ciqaab adagna ay marto ?!!!!!

Isku soo wada xooriyoo waxa aynu fahanay in toosnaanta iyo dhisnaanta qofka iyo qoysku ay door muhimma ka ciyaarayaan guusha horumarka badbaadada libinta  iyo liibaanta umadda , waana qaabka lagu unkumo bulsho nadiif ah oo udiyaar ah inay ka guulaysato cadowkasta oo soo foodsaara .

Alle ayaa mahad leh

WQ:sh.sharmaarke maxamed (bukhaari)

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews