HOHADNEWS.COM
Qaar Kamida Madaxda  Maamul Goboleedyada  Dalka  Oo Madaxda Soomaaliya U gudbiyay Cabasho Ka Dhan Ah Dawladda Itoobiya….
April 11, 2019 - Written by Hohad Office

Jowhar (HOHAD NEWS) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dalab u gudbiyay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ku aadan walaaca laga qabo in markale biyo la’aan baahsan ay soo wajahdo Shacabka Soomaaliyeed ee ku tiirsan biyaha Wabiga Shabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in xiliyadda jiilaal sanadihii u dambeeyay biyo la’aan ay soo wajahaysay Shacabka gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, maadaama biyaha Wabiga Shabeelle la weyn jiray, iyadoo ay ugu wacan tahay Ethiopia oo biyo xereeno sameyn jirtay.

Waare ayaa walaaca uu muujiyay ku sheegay inuu yahay mid horseedi kara in halis badan ay wajahaan beearalayda iyo shacabka ku nool hareeraha Wabiga Shabeelle, waxaana uu dowladda ka dalbaday in Ethiopia ay arimahaasi kala hadasho.

Jowhar ayaa kamid ah meelaha ay beeralay badan dhibaato ku qabaan biyo la’aanta wabiga Shabeelle, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay Bariis cusub oo la doonayo in lagu abuuro magaalada Jowhar, kaasi oo la sheegay in looga maarmi doono Bariiska dibadda laga keeno, haddii tijaabada lagu guuleysto.

Waare, wuxuu sheegay si tijaabadaasi loogu guuleysto in loo baahan yahay in beeralayda aysan ka walwalin biyaha wabiga Shabeelle oo ay ku tiirsan yihiin, wuxuuna ka codsaday dowladda inay Ethiopia arimahaasi kala hadasho.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowlada Federalka inay wadahadal rasmi ah oo wax ku ool ah kala yeelato dowlada Itoobiya maareynta biyaha wabiga Shabeelle sida sharciga caalamiga ah uu qabo si Dowlada iyo beeralayda Soomaaliyeed ay u helaan qeybta ay xaqa ugu leeyihiin.”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Wabiga Shabeelle ayaa dhowrkii sano ugu dambeysay waxaa ka jirey biyo la’aan xilliga jiilaalka iyadoo beeralay badan ay qasaare ka soo gaarto biyo la’aanta wabiga, sidoo kalana waxaa halis gala dadka ku dhaqan hareeraha wabiga oo xaalad biyo la’aan ay wajahdaa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews