HOHADNEWS.COM
Man City Oo Etihad Stadium Ku Burburisay Schalke, Sergio Aguero Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Sky Blues Oo Siddeed Dhamaadka UCL Iska Xaadirisay.
March 13, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARAHA(HOHAD NEWS)

Manchester City ayaa si xarogo leh iskaga xaadirisay wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions league kadib markii ay Etihad Stadium ku xasuuqday kooxda Schalke04. Man City ayaa qaybtii hore ee kulankan saddex gool dhalisay taas oo u xaqiijisay booskeeda laakiin qaybtii labaad Man City ayaa xasuuq ku bilwaday Schalke.

Sergio Aguero ayaa laba gool dhaliyay qaybtii hore ee kulankan halka Leroy Sane uu gool u saxiixay City  laakiin qaybtii labaad Raheem Sterling, Bernardo Silva,Gabriel Jesus iyo Foden ayaa min hal gool dhaliyay.

Man City ayaa qayb ka noqotay kooxaha u soo baxay UEFA Champions League wareegiisa siddeed dhamaadka  waxayna Man City awooday in ay dhinac iskaga dhigtay kooxda Schalke04. Man City ayaa 7-0 ku gumaaday kooxda Schalke04.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

SCHALKE XI (3-4-1-2): Ralf Fahrmann (c); Benjamin Stambouli, Jeffrey Bruma, Salif Sane; Yevhen Konoplyanka, Weston McKennie, Nabil Bentaleb, Bastian Oczipka; Suat Serdar; Breel Embolo, Guido Burgstaller.

Kaydka: Steven Skrzybski, Alexander Nubel, Sebastian Rudy, Hamza Mendyl, Cedric Teuchert, Rabbi Matondo, Ahmed Kutucu.

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Danilo, Aymeric Laporte, Oleksandr Zinchenko; Bernardo Silva, Ilkay Gundogan, David Silva (c); Raheem Sterling, Sergio Aguero, Leroy Sane.

Kaydka: Gabriel Jesus, Cameron Humphreys-Grant, Arijanet Muric, Fabian Delph, Riyad Mahrez, Phil Foden, John Stones.

Manchester City ayaa shaqadii ay u baahnayd sii qaybsatay qaybtii hore ee ciyaarta waxayna dhibaato wayn ku abuurtay kooxda martida u ahayd ee Schalke iyada oo kooxda Guardiola ayna wax waqti ah siin Schalke04 oo ay kulankii lugtii hore dhibaato badan kala soo kulmeen inkasta oo ay haddana guul soo gaadheen.

Daqiiqadii 33 aad Man City ayaa rekoodhe lagu abaal mariyay kadib markii kaadhka digniinta ah loo taagay  Bruma  kaas oo qalad ku galay Bernardo Silva waxayna City heshay fursadii ugu fiicnayd ee ay goolka furitaanka ku heli kartay.

Daqiiqadii 35 aad Sergio Aguero ayaa kooxdiisa Man City uga faa’iideeyay rekoodhaha ay heleen kadib markii uu ku dhaliyay goolka furitaanka wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 City hogaanka ku qabtay wuxuuna ahaa goolk musiibo ku noqday kooxda Schalke.

Daqiiqadii 38 aad Man City ayaa markiiba keensatay goolka ay niyadjabka ugu abuurtay Schalke waxaana dhaliyay isla Sergio Aguero oo markan caawin ka helay Raheem Sterling wuxuuna Aguero ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Man City kalsooni buuxda ku heshay.

Daqiiqadii 42 aad Leroy Sane oo ahaa xidigii Man City goolkii barbaraha labaad ee kulankii lugtii hore darbada laaga xorta ahayd ugu dhaliyay ayaa markale u gaadhsaday Schalke wuxuuna dhaliyay goolka saddexaad ee ay Man City ciyaarta xili horeba ku dishay waxaana caawinta gookan soo sameeyay Zinchenko.

Ciyaarta ayaa noqotay 3-0 ay Man City hogaanka ugu raaxaysnayso waxayna Schalke garan wayday qaabkii ay goolka Man City ku gaadhi lahayd iyada oo qaybtii hore lagu kala nastay 3-0 ay Man City guul ugu taagnayd.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay markale Man City sii waday xasuuqii ay ku haysay kooxda Schalke waxayna Man City ciyaartu u noqotay sidii ay tababar ku jirto oo kale.

Daqiiqadii 56 aad Man City ayaa la timid goolkeeda afraad ee ay sida rasmiga ah ciyaarta hurdada ugu dirtay waxaana markan shabaqa soo taabtay Raheem Sterling kadib markii uu caawin ka helay Leroy Sane waxayna ciyaartu noqotay 4-0 ay Man City si rasmi ah ugu xaqiijisatay booskeeda siddeed dhamaadka UCL.

Intaas wixii ka danbeeyay waxay ciyaartu ahayd mid ay Man City damaasaad ka dhigatay waxaana daqiiqadii 71 aad goolka shanaad raacsaday Bernardo Silva oo markale caawin ka helay Leroy Sane oo habeen cajiib ah qaatay waxayna ciyaartu noqotay 5-0 ay Man City ku gumaadayso Schalke.

Daqiiqadii 78 aad Leroy Sane ayaa sameeyay saddexley gool caawin ah isaga oo waliba hore u soo dhaliyay gool wuxuuna markan caawiye u noqday goolka lixaad oo uu magiciisa ku qoray da’yarka Foden kaas oo ciyaara ka dhigay 6-0 ay City taariikh ku samaynayso.

Daqiiqadii 84 aad ceebta Schalke ayaa halkeeda ka sii socotay kadib markii uu Gabriel Jesus ku biiray liiska dheer ee ciyaartoyda Man City ee kulankan goolasha ka dhaliyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 7-0 ay Man City ciyaarta hal dhinac kaga wado.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 7-0 ay Man City ku bahdisay kooxda Schalke iyada oo Man City awooday in ay wadarta labad kulan oo 10-2 ah ay ugu soo baxday siddeed dhamaakda UEFA Champions league.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews