HOHADNEWS.COM
Legdanka shirkadaha waaweyn & dawladaha soo koraya . Conoco & dpworld tusaale ahaan
March 20, 2019 - Written by wariye sakariye

Guud ahaan legdanka caalamiga ah ee ku salaysan ilaashiga danaha dawladeed ama shirkadeed waa mid soo jireen taariikhda dunida ee cusub waxase isdultaag mudan legdanka astaamaha gaarka ah leh ee dhexmara had iyo jireen dawladaha soo koraya dhaqaale iyo siyaasad ahaanba iyo shirkadaha guunka ah , uma baahnin inaynu tusaalayaal meel durugsan ka soo qaadano waayo waxa uu legdan noocaas ahi dhulka la galay dawladdii ugu quwada weynayd geeska afrika ee somaliya waqtiyadii bilowgii sagaashameeyadii legden duruufihiisa leh ayaa dhexmaray shirkad guun ahoo ka shaqaynaysay shidaal baadhista magaceeduna ahaa ( cononco ) iyo dawlad duruufo siyaasadeed ku gedaanaayeen oo ka mid ahayd dawladaha korayay dhaqaale ahaan waqtiyadaa .

Aqoon yahanka iyo qorayaasha soomaliyeed marka ay dul istaagayaan burburkii dawladdii cududa weyneed ee soomaliya waxa ay qaarkood tilmaamayaan in faragelinta dibadeed ee shisheeyuhu soomaliya kala dagaalamay ay hogaaminaysay shirkadda shidaal baadhista ee (conoco)  tusaale ahaan qoraa c/qaadir aroma waxa uu ku tilmaamay dhiganihiisa

( hadimadii gumeysiga ) in bilowgii wiiqidda cududii dawladii soomaliya ay kow ka ahayd qeyb libaax lehna ay ka qaadatay shirkadii batroolka ee conoco waakan asaga oo tilmaamaya :

(  shirqoolkii reer galbeedku u dejiyey burburinta qaranka soomaliya waxaa lagu soo afjaray shir ka dhacay horraantii 1989 madaxtooyada soomaliya (villa soomalia ) shirkadda batrool baadhista ee (conoco ) waxay msbarre u gudbisey heshiis qoraal ah oo ay ugu sheegeen inay muddo 20 sano ah kasoo saari doonaan woqooyi bari (puntland) shiidaalka cayrin isla markaana ay yagu qaadan doonaan dhamaan wixii kasoo baxa ee batrool ah mudadaa 20ka sano ah soomaaliduna ayna wax saami ah ku yeelan doonin mana iman karo aqoon yahan soomaliyeed goobaha shirkaddu ka hawl gelayso ayaa heshiiska lagu sharaxay …………………………………………………………………………………………………. (waxa qoraagu uu si laxaadleh uga waramay say waxa u dhaceen iyo inuu maxamed siyaad barre eryay shirkadda conoco kuna amray inay dalka iskaga baxdo waxa qoraagu uu sii raaciyey ) . …………………………………………………………..

Isla bishiiba waxaa la joojiyay wixii mucaawino iyo deyn reer galbeedku bixin jireen waxaa loogu hormariyey mashruuca biyo xireenka baardheere oo gebi ahaanba la tirtiray maalgelintii loo qorsheeyay oo dhamayd 780$ million dib ayaa loola noqday , arag (exucutive intelligence review special report 1993 ) reer galbeedku waayadii hore jaalbay la ahaayeen msbarre balse markay dantoodii ka dhex arki waayeen ayay ku andacoodeen inuu xuquuqul insaanka ku xadgudbay oo mucaawanadii ka jareen goor xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo gobolada woqooyi galbeed la dumiyey . ) eeg bogga 56 – 60 .

Taasi waxa ay ina tusinaysaa in heshiisyada shirkadaha shisheeye ay la galaan dawladaha soo koraya ay ka leeyihiin dano gaar ah oo u adeegaya ama dawladda ay matalayaan ama danta gaarka ah ee shirkadda .

Conoco waxa ujeedkeedu ahaa inay marmarsiinyo u samayso mucaawino ka jaridda dawladda soomaliya waanay ku guulaysatay ujeedkeedii balse taariihdu waa bog qorma oo tirtirmine waxa marlabaad gudaha soomaliya kusoo laabtay legdan kii u eeg oo shirkado shisheeye ay lagaleen maamulo soomaali ah , waxa dul istaag mudan waa maxay danta ka danbaysa shirkadaha shisheeye heshiiska ay la agalayaan dawlado curdin ah oo lahayn awood dhaqaale iyon mid siyaasadeed toona maxayse ka dheefaysaa shirkadu heshiiska ay la gashay dawladahaas tamarta daran marka loo eego shirkadda dhaqaaleheeda dhanka kale waa maxay faaiidada ay ka dheefo dawladu heshiis noocaas oo kale ah .

Waxa doqoniimo ah in caalam ku dhisan ilaashi dano siyaasadeed aad ku andacooto dantayda waxa ii dhawraya cid kale oo aanu isku diin nahay waxa mudan inaad ogaato diinta aad midaysan tihiin maaha habayaraatee mid xidhiidh la leh heshiiska aad gashay waxa isu kiin keenay waa dan idinka dhaxaysa idinko u arkay inaa wax wada qabsataan inaa ka faaidaysan labadiina dhinac .

Dpworld waa shirkad laga leeyahay dalka emaretka waxa ay ka hawlgashaa arimaha dekedaha caalamiga ah waxa ay ku tilmaaman atahay inay tahay garabka maalgashi ee dalka emeretka waxa ay gacanta ku haysaa dekedo waaweyn oo dhamaan qaaradaha dunida ku yaalla marka aynu africa u nimaadno waxa ay gacanta ku haysaa 2 dekedood oo algeria ah dekeda muusanbiig dekeda sinigal iyo dekeda masar waxa jiray heshiis ka dhexeeyay djibouti iyo dpworld oo fashilmay ka dib markii djibouti ay caydhisay shirkadda dpworld . ku laabo linkigan (https://ar.wikipedia.org/wiki/%D9%85%D9%88%D8%A7%D9%86%D8%A6_%D8%AF%D8%A8%D9%8A_%D8%A7%D9%84%D8%B9%D8%A7%D9%84%D9%85%D9%8A%D8%A9 )

Dpworld waxa ay ka turjumaysaa danaha dalka laga leeyahay ee emeretka waxa hadaba is weydiinleh danta dawlada emeretku ka leedahay maalgashi ay ku samayso iyo heshiis ay la gasho  maamul aan lahayn sharciyad dawladeed oo caalami ah lakiin ku yaal meel istiraatiiji ah hadii aanay kaalintaa buuxinna ku keeni kara khatarta ah inay berberi la tartanto dekeda caalamiga ah ee jablu cali .

Waxa aan filayaa danta guud ahaan bariga afrika ay ka leedahay shirkaddu waxa ay inooga cadaanaysaa heshiiskii dhicisoobay ee ay la gashay dawladda djibouti ee ku danbeeyay in la caydhiyo shirkadda dpworld isla markaana ay uyeedhaan maalgashi shiinaha ka socda .

Waxa reer djibouti iyo caalamkaba ucad in marna aanay dawladda emerertka iyo shirkadeeda dpworld midna aanay ka raali ahayn in deked ku taal badda cas gacanka cadmeed baabul mandab iyo guud ahaad badaha geeska afrika ay la tartamaan marka suuqa caalamiga la joogo dekedaha emeretka ee ku caanka ah isku xidhka ganacsiga caalamiga sida dekeda jabulul cali ta shaariqa iyo dekeda abu dubai oo dhamaan ku suntan dib shaxnadayta agabka ku socda aasiya africa iyo bariga dhexe guud ahaan ahna laf dhabarka ganacsiga emeretka .

Yemen iyo geeska afrika marka laga reebo djibouti waxa gacanta ku haysa shirkada dpworld qofka inyar uun ka shaqaysiiya garaadkiisu wuxuu fahmayaa in marnaba aanay doonayn dpworld inay si daacad ah u horumariso dekedaha jeeroo aanay raali ka ahayn inay la tartamaan dekedaha ku yaal gudaha emeretka .

Yemen iyo somalia waxa ay labaduba iskaga mid yihiin taagdarrada dawladaha iyo daagaalada ka socda labada dal walow somaliland ay ku naaloonayso nabad iyo badhaadhe se aanay haysan aqoonsi dawladeed hadaba si noocee ah ayay dpworld u awoodi kartaa inay ka dhabayso ujeedkeeda ay ka leedahay dekedaha labada dawladoodm ?

Suurogal matahay in dpworld ay horumariso dekedaha yemen iyo somaliland ? ma laga yaabaa in somaliland laftigeedu ay dareensantahay ujeedka dpworld se ay naawilayso aqoonsi dawladeed oo emeretku siiyo ? dhamaan su aalahaasi waxa ay ku xidhan yihiin waqtiga waana arrin mudeed cadaan doonta sanadaha soo socda waayo maamulada soomaliyeed ee heshiiska la galay dpworld waa ay iska indho tireen tijaabada ay sameeysay djibouti yagoo ku adkaystay inay naftooda ku cibra qaatan waynu dhawri doonaa halka ay ku biyo shubato qolokastaa dhacdooyinka jira qaabkooda ayay uga faaideysan walow anigu aan ku jiro waana dabeecada siyaasada caalamiga ah ee maanta !!

 

Qoree Sharmaarke Bukhaari

Email:-sharmaarke1124@gmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews