HOHADNEWS.COM
Kaddib Magacaabistii Zinedine Zidane, Thibaut Courtois Oo Waayi Doona Booskiisa Iyo Wargeys Ingiriis Ah Oo Daliil Keenay
March 12, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARAHA(HOHAD NEWS)

Goolhayaha ay Real Madrid kala soo wareegtay Chelsea xagaagii ee Thibaut Courtois ayaa lumin doona booskiisa safka koowaad kaddib markii xilka tababarenimo loo magacaabay Zinedine Zidane.

Goolhaye Courtois ayaa lagu eedeeyey in khaladaad badan oo uu sameeyey ay qayb ka yihiin dhibaatada haysata Real Madrid, waxaana xogtiisa  bandhigga ee lagaga ururiyey intii uu joogay Los Blancos ay bannaanka keenayaan inuu laba shaqi kala yahay marka la isku eego waxqabadkiisii Stamford Bridge iyo kan Bernabeu.

Tababaraha hadda shaqada ka tegay ee Santiago Solari ayaa si buuxda ugu damaanad qaaday Courtois in aanay cidina ka qaadaynin booskiisa tartamada Champions iyo LaLiga taas  oo Keylor Navas kusoo koobtay Copa del Rey oo isagana ay ka hadheen, hase yeeshee midkii ka horreeyey ee Julen Lopetegui ayaa horyaalka ciyaarsiin jiray halka Champions League iyo Copa del Rey uu Navas iska lahaa.

Sida uu qoray wargeyska Telegraph ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska, Zidane oo si weyn u taageera Keylor Navas, horena uga soo horjeeday in goolhaye booska ku cidhiidhya la keeno, ayaa waxa uu biraha dhexdooda dib ugu soo celin doonaa laacibka reer Costa Rica ee kaydku daashaday.

Wargeysku waxa uu sheegay in Zidane aanu ku degdegi doonin inuu tuuro Courtois, balse uu u sheegi doono inuu caddeeyo inuu u qalmo inuu sii ahaado goolahayah koowaad, isagoo xog ururin ka samayn doona bandhiggiisa kulan kasta, taas oo keeni doonta inuu kaydka u daadego.

Si kastaba ha ahaatee, kulamada soo socda ayaa la eegi doonaa isbeddelka uu Zidane sameeyo iyo qaabka uu u kala xusho ciyaaryahannadiisa.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews