HOHADNEWS.COM
Hordhac: Everton vs Chelsea – Blues Oo Gali Karta Booska 5-aad & Sarri Oo Laga Yaabo Inuu Isbadalo Badan Sameeyo.
March 17, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARHA(HOHAD NEWS)

Kooxda Chelsea ayaa marti ku ah gobolka Merseyside iyadoo isha ku heysa iney kaalinta 5-aad kala wareegto Man United oo kulankeedii isbuucaan ee horyaalka loo baajiyay maadaama ay ciyaareen koobka FA Cup-ka.

Blues waxey dhanka dhibcaha barbaro kala noqon doontaa Blues, balse goolal badan ayey u baahan tahay si ay kaalintaas ula wareegto waana iney ku adkaadaan 6-gool, sidaas darteed wey ku adkaan doontaa iney sidaas ku sameyso Goodison Park.

Sarri wuxuu heystaa fursad uu ku nooleeyo rajada kooxdiisa ee afarta sare, inkastoo uu wali gacanta ku heysto kulan u baaqday bishii hore oo ay la yeelan doonaan Brighton & Hove Albion.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Everton vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Garoonka: Goodison Park

Garsoore: Anthony Taylor (England)

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB KULANKA?

Gonzalo Higuain ayaa xanuun ku seegayo kulankii Dynamo Kiev, balse taas waxey fursad fiican siisay Olivier Giroud oo sadexley dhaliyay isla markaana hadda u sharaxan inuu kusoo bilowdo ciyaarta caawa.

Sarri ayaa nasiino siiyay Hazard, Jorginho iyo David Luiz kulankii Dynamo Kiev, waxaana rajo laga qabaa iney kusoo wada bilowdaan ciyaarta Everton.

Eden Hazard wuxuu ku ciyaaray Goodison Park 6-kulan goolna kuma dhalin, sidoo kalana 7 ayuu ku ciyaaray Selhurst Park mana ku dhalin, sidaas darteed guriga Everton waa kan labaad ee ugu badan uu xiddigaan gool ku dhalin isagoo kulamo dhawr ah ku ciyaaray.

Emerson ayaa ciyaari kara, dhanka kalana Zouma ayaan ciyaari doonin, sidaas darteed Yerry Mina ayaa mataan la noqon doona Michael Keane.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Everton:

Pickford; Coleman, Keane, Mina, Digne; Gueye, Gomes; Richarlison, Sigurdsson, Bernard; Calvert-Lewin

Chelsea:

Kepa; Azpilicueta, Rudiger, Luiz, Emerson; Kante, Jorginho, Barkley; Pedro, Giroud, Hazard

XOGTA KULANKA:

Everton wax guul ah ma gaarin lixdii ciyaar ee ugu dambeysay horyaalka oo ay la yeesheen kooxda Blues, waxeyna sidoo kale ku fashilmeen iney shantii kulan ee ugu dambeysay xitaa shabaqa kasoo taabtaan. Tan iyo 1972 ilaa 1979 ayaana ugu dambeysay iney tiro intaas ka badan koox shabaqa kasoo taaban weyso. (7-kulan ayeyna ka taaban waayeen markaas Southampton).

Blues wax guuldaro ah lama kulmin labadii ciyaar ee ugu dambeysay oo ay booqdaan Goodison Park, walina saddex ciyaar oo xiriir ah sidaas ma yeelin tan iyo 2001 ilaa 2008 markaas oo ay sideed ciyaaro oo guuldaro la’aan ah soo qaateen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews