HOHADNEWS.COM
HORDHAC: Barcelona Vs Lyon- Shaxaha Macquulka Ah, Dhaawacyada Iyo Blaugrana Oo Calanka Spain Caawa Camp Nou Ku Difaacaysa.
March 13, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARAHA(HOHAD NEWS)

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda Lyon waxayna si ka duwan xili ciyaareedyadii la soo dhaafay Barca noqotay kooxda kaliya ee calanka dalka Spain difaacaysa kadib markii kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid laga cidhibtiray tartanka UEFA Champions League.

Inkasta oo ay Lyon lafteedu tahay kooxda kaliya ee baaqi ku sii ah Champions League ee dalka France ka soo jeeda, haddana wax layaableh ma noqon doonto haddii koox reer France ah laga dhex waayo siddeeda kooxood ee iskugu soo hadhaya Champions league balse haddii ay Lyon layaab samayso oo ay Barca reebto waxaa waqti dheer aad u dheer kadib la waayi karaa koox reer Spain ah oo siddeeda UCL ka soo muuqata.

Waa Sidee Rekoodhka Ay Barcelona Ku Leedahay kulamada wareega 16ka Kooxood ee Champions league ee Camp Nou martida loogu soo noqday?

Barcelona ayaa guud ahaan rekoodh cajiib ah ku haysata Camp Nou laakiin gaar ahaan waxay sidoo kale xog laayableh ku haysataa kulamadii wareega 16ka iyada oo 12 kulan soo guulaysatay isla markaana hal kulan barbaro soo gashay iyada oo kulanka kale uu guuldaro ku soo dhamaaday.

Waxayna Barca isku dayi doontaa in xili ciyaareedkii 12 aad oo xidhiidh ah ay u soo baxdo siddeed dhamaadka UEFA Champions League.

Waa Sidee Rekoodhka Ay Lyon Ku Leedahay kulamada wareega 16ka Kooxood ee Champions league ?

Kooxda martida ah ee Lyon ayaa rekoodh aad u liita ku haysata kulamadii ay soo ciyaartay wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League iyaga oo soo guuldaraysatay shan kulan oo ka mid ah lixdii kulan ee ay hore u soo gaadheen wareega 16ka kooxood ee UCL.

Maxay Barcelona iyo Lyon Xili Ciyaareedkan Iskaga Mid Yihiin?

Barcelona iyo Lyon waxay xili ciyaareedkan ka midaysan yihiin in ay rekoodh guuldaro la’aan ah kaga soo jireen dhamaaan kulamadii ay ka soo ciyareen UEFA Champions League iyada oo ayna midkoodna wax guuldaro ah la soo kulmin dhamaan kulamadii heerkii groupyada halka ay kulankoodii France ka soo qabsoomay barbaro ku galeen.

Laakiin Lyon ayaan wali wax guul ah ka gaadhin Barcelona kadib markii ay 7 kulan la soo ciyaartay waxayna Barcelona xili ciyaareedkii  2008/09 ay awooday in ay Lyon ku reebtay wadarta labada kulan oo 6-3 ahayd.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Barcelona waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshaha Ousmane Dembele kadib dhaawac fudud oo muruqa ka soo gaadhay kulankii Rayo Vallecano ee horyaalka La Liga waxaana la filayaa in uu kaydka ku jiri doono taas oo keeni karta in Coutinho uu shaxda Valverde ku soo bilaaban doono.

Rafinha ayaa inta xili ciyaareedkan ka hadhsan dhaawac ku maqan waxa kale oo Barcelona dhaawac kaga maqnaan doona Thamos Vermaelen. Haddii uu Nelson Semedo wax kaadh digniin ah qaato waxa uu seegi doonaa kulanka lugta hore ee siddeed dhamaadka UCL haddii ay Barcelona soo baxdo.

Dhinaca kooxda Lyon waxaa ka maqnaan doona Gouiri laakiin waxaa u soo laabanaya Nabil Fekir oo kulankii hore ganaax ku seegay waxa kale oo uu shaki ku jiraa taam ahaanshaha Marcelo.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Lugta Labaad Ee UCL Wareegiisa 16ka

Kulanka: Barcelona vs Lyon

Waqtiga: 11:00 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Szymon Marciniak (Poland)

Shaxda Macquulka Ah Ee Barcelona Vs Lyon:

Barcelona XI: Ter Stegen; Roberto, Gerard Piqué, Lenglet, Jordi Alba; Ivan Rakitić, Sergio Busquets, Arthur Melo; Philipe Coutinho, Lionel Messi, Suárez

Lyon XI: Lopes; Dubois, Denayer, Marcelo, Mendy; Tousart, Ndombélé; Depay, Fekir, Aouar; Dembélé

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews