HOHADNEWS.COM
Hadii Uu Waligiis La Kulmay Sare-kacii Xalay, Guushii Ay Ka Heleen Real Betis, Guuldaradii Atletico & Lionel Messi Oo Ka Hadlay Bandhgoodii Xalay.
March 18, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARAHA(HOHAD NEWS)

Jamaahiirta Real Betis ayaa goob joog u noqdo bandhig aan caadi aheyn oo uu sameeyay Lionel Messi, xiddiga reer Argentina wuxuu dhaliyay sadexley la xasuusan doono isagoo kooxdiisa uga faa’iideeyay guuldaradii soo gaartay Atletico Madrid.

Natiijooyinkii todobaadkaan ka dhacay horyaalka La Liga waxey caddeyn u yahiin in Balaugrana ay ku qabatay hogaanka horyaalka 10-dhibcood, sidoo kalana habeen qurux badan ayey u aheyd xiddiga heerka caalami maadaama looga sarakacay garoonka markii uu dhaliyay goolka saddexaad oo ahaa mid cajiib ah.

“Kadib guuldaradii Atletico, ma aanan gaabin” ayuu yiri Messi.

“Waxey noo aheyd guul aad u muhiim ah maanta”

“Goolasha waxey ahaayeen kuwa muhiim ah oo noo ogolaaday inaan saddex dhibcood helno, waxaana ka faa’iideysanay fursad aad u fiican”

Ciyaartoyda Real Betis ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed adag intii lagu jiray qeybahii hore kulanka, waxeyna amaan ka heleen Messi.

“Waa koox si fiican ugu ciyaarta kubadda”

“Si kastaba, ma aanan dhibaatoon wakhtigaas, waxaa nahay kuwa aad u agaasiman”

“Mararka qaar waa inaan la qabsanaa qaabkeena si aan u fiicneyn kooxda naga soo horjeedo, sidoo kalana wakhtiyada kulamada xasaasiga ah waa inaan wax walba isku diyaarino”

Ugu dambeyntii Messi wuxuu ka hadlay sida ay jamaahiirta Real Betis ugu sara-kaceen markii uu shabaqa soo taabsiiyay goolka saddexaad oo ahaa mid cajiib badan, wuxuuna aaminsan yahay inuusan waligiis arkin taageerayaal cadaw ah oo sidaan isaga dartiis u sameynaya.

“Aad baan ugu faraxsanahay” ayuu yiri Messi.

“Waligey iguma dhicin sidaan hadda ka hor”

“Waxey mar walba noola dhaqmaan si wanaagsan, iyadoon la fiirineynin hadii aan nahay cadaw”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews