HOHADNEWS.COM
Dowladda Mareykanka Oo Diiday Inay Duulimaadyada Ka Mamnuucdo Diyaaradda Boeing 737 Max 8
March 13, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA DIBADDA(HOHAD NEWS)-Dowladda MNareykanka sheegay in aysan shaqada ka joojinayn diyaaradda nooca
Boeing 737 Max 8 inkastoo xildhibaanada aqalka sare iyo ururada shaqaalaha ee dalkaasi oo dowladda
cadaadis ku saarayo in diyaaraddaasi laga mamnuuco duulimaadyada ilaa iyo inta laga xaqiijinayo
badqabkeeda.

Maamulka Duulimaadyada ee Maraykanka ee magaciisa loo soo gaabiyo FAA ayaa sheegay in ilaa iyo
haatan aysan muuqan cillad lagu mamnuuci karo diyaaraddaasi.
Diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ayaa
axaddii la soo dhaafay burburtay lix daqiiqo oo kaliya markii ay hawada ku jirtay, waxaana shilkaasi ku
dhintay 157 qof oo saarnayd.
Shilkaasi waxaa ka sii horreeyay shil kale oo ay ku dhinteen 189 qof oo rakaab ahayd oo saarnaa
diyaaradda Lion Air 737 Max 8 oo burburtay bishii Oktoobar ee sanadkii hore.
Qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ayaa soo saaray amar ay hawada dalalkooda uga mamnuucayaan
inay ku duusho diyaaradda ay soo saarto shirkadda Boeing ee nooceedu yahay 737 MAX 8.
Waddamada Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in aysan hawadooda soo
galin karin diyaaraddan.
Ted Cruz, oo ah xildhibaan ka tirsan aqalka Senedka ee Mareykanka ayaa sheegay in uu rumeysan yahay
in ay muhiim tahay in Mareykanka uu hakiyo duulimaadyada diyaaraddani ilaa iyo inta laga xaqiijinayo in
ay tahay badqab oo la isticmali karayo.
Edward Markey iyo Richard Blumenthal oo iyaguna ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa maamulka
duulimaadyada ee Mareykanka ka codsaday in la hakiyo duulimaadyada diyaaraddan Boeing 737 Max ilaa
iyo amar dambe.
Shirkadda Boeing ayaa ku adkeysanaysa in diyaaraddani tahay mid badqab ah oo aan la hayn wax cillad
ah.
Shaqaalaha shirkadaha diyaaradaha ee Mareykanka ayaa doonaya in diyaaraddani laga mamnuuco
duulimaadyada ilaa ammaankeeda laga xaqiijinayo.
Waxyaabaha shakiga keenay waxaa ka mid ah in labada diyaadoodba ay ahaayeen kuwa cusub, waxaana
jiray isku mid ahaansho sida uu shilka u dhacay, labaduba waxa ay soo dhaceen daqiiqado kadib markii ay
haadeen, taas oo muujin karta cilad ay diyaaradu leedahay.
Boeing oo kaliya ma ahan waxa saameynta uu shilka ku yeeshay, ee sidoo kale shirkadda Safran ee
Faransiiska ee iyadu samaysa matoorka diyaaradan ayuu hoos u dhacay saamiyadeeda
Dowladda Hindiya ayaa iyadu sheegtay in wada hadal kula jirto laamaha qaabilsan badqabka duulista
hawada sare, go’aana ka gaari doonto sida laga yeelayo diyaaradan.
Shirkadda duulimaadka ee dalka Koonfur Afrika ayaa dhankeeda shaacisay in ay joojin doonto isticmaalka
diyaaradda Boeing 737 illaa intii muddo ah.
Illaa 16 shirkadood oo kuwa duulimaadka ah ayaa isticmaala diyaaradda Boeing 737 Max 8.
Tusaale shirkadda TUI waxa ay leedahay 15 ka mid ah noocan , waxayna sheegtay in ay xiriir dhow la
waddo shirkadda Boeing , balse waxa ay intaas ku dartay in aysan jirin wax qorshe dhow oo ay ku
joojineyso isticmaalka diyaaradan.
Shirkadda Duulimaadka Norway oo haysata 18 ka mid ah diyaaradahan ayaa iyaduna sii wadda
isticmaalka 737.
Shirkadda Southwest Airline waxa ay leedahay 34 noocan ah, halka Maraykanka iyo Canada ay
isticmaalaan 24 xabbo oo kuwan ah midkiiba.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews