HOHADNEWS.COM
Crisitano Ronaldo Oo Saddexley Goolal Ah Dhulka Ku Jiiday Atletico Madrid, Juventus Oo Iska Xaadirisay Siddeed Dhamaadka UCL Iyo Ronaldo Oo Sababtii Loo Soo Iibsaday Ka Soo Baxay.
March 13, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARAHA(HOHAD NEWS)

Juventus ayaa si cajiib ah ugu soo baxday siddeed dhamaadka UEFA Champions League kadib markii ay dhinaca kale u dhigtay natiijadii ay guuldarada kagala soo laabtay Atletico Madrid. Cristiano Ronaldo ayaa saamayntiisa la soo baxay wuxuuna saddexley goolal ah dhulka ku jiiday Atletico Madrid.

Cristiano Ronaldo ayaa saddexda gool ee ay Juventus kulankan ka dhalisay waxa uu laba ka mid ah ku dhaliyay madaxa halka goolka kale uu ahaa rekoodhe Juventus lagu abaal mariyay dhamaadkii ciyaarta.

Cristiano Ronaldo oo xili ciyaareedkan oo dhan hal gool ka soo dhaliyay Champions league ayaa markii ay kooxdiisu inta ugu badan u baahnayd waxa uu kulankan ka dhaliyay saddexley goolal ah si uu Juventus ugu soo saaro siddeed dhamaadka UCL.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

ATLETICO XI (4-4-2): Jan Oblak; Santiago Arias, Jose Gimenez, Diego Godin (c), Juanfran; Koke, Rodrigo, Saul Niguez, Thomas Lemar; Alvaro Morata, Antoine Griezmann.

Kaydka: Vitolo, Antonio Adan, Stefan Savic, Francisco Montero, Angel Correa, Mikel Carro, Nikola Kalinic.

JUVENTUS XI (4-3-3): Wojciech Szczesny; Joao Cancelo, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini (c), Leonardo Spinazzola; Emre Can, Miralem Pjanic, Blaise Matuidi; Federico Bernardeschi, Mario Mandzukic, Cristiano Ronaldo.

Kaydka: Rodrigo Bentancur, Martin Caceres, Paulo Dybala, Mattia Perin, Moise Kean, Daniele Rugani, Hans Nicolussi Caviglia.

Juventus ayaa garoonka soo gashay iyada oo dhaarsan isla markaana ogayd in dagaal xoogan ay ku heli kartay in ay marka hore ku soo celiso labadii gool ee looga soo dhaliyay kulankii Madrid laakiin Diego Simeone ayaa soo dhigtay shax uu ku ilaashanayay labada gool wuxuuna kooxdiisa ku soo dardaaray in ay awooda buuxda siiyaan difaaca iyo ilaalinta goolashii ay ku soo baxayeen.

Juventus ayaa min bilawgii ciyaarta ilaa intii la soo gaadhay daqiiqadii 20 aad waxay ahaayeen kuwo sida roobka darbooyin ugu da’siinayay goolka Atletico Madrid laakiin Atletico ayaa si gaabis ah iskugu dayaysay in ay kubbada lugta ku dhigi karto.

Daqiiqadii 6 aad Juventus ayaa ku dooday in ay heshay goolkeeda furitaanka laakiin garsooraha ayaa tilmaamay in Cristaino Ronaldo uu qalad ku galay goolhaye Oblak kaas oo uu kubbada xog kaga soo tuuray wuxuuna adeegsaday talada VAR uu ka helay kaas oo ahaa go’aan sax ah.

ciyaarta ayaa noqotay Juventus oo wada weerar ah iyo Atletico Madrid oo difaacasho buuxda ku jirta waxayna madaxa ama lugta ku soo saarayeen darbo kasta oo ay Juventus la raadinaysay madaxyada Ronaldo iyo Mario Mandzukic.

Daqiiqadii 27 aad Cristiano Ronaldo ayaa ugu danbayn jabiyay iska caabintii xooganayd ee Atletico Madrid kadib markii uu ka awood batay isla markaana uu dusha kaga yimid Jaunfran waxaana Ronaldo goolkan ka soo caawiyay F. Bernardeschi iyada oo goolhaye Oblak uu awoodi waayay in uu wax badbaadin ah sameeyo.

Cristiano Ronaldo oo goolkiisii labaad ee Champions League oo kaliya kulankan ka dhaliyay intii xili ciyaareedkan lagu jiray ayaa ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Juventus hogaanka kula wareegtay wuxuuna ahaa gool soo celiyay rajadii ay Old Lady ka qabtay in ay soo laabato.

Laakiin intaas kadib Juventus waxay hoos u dhigtay weerarkii xooganaa ee ay Atletico Madrid ku haysay taas oo keentay in ay kooxda martida ahayd in ay woxogaa soo yara baxdo isla markaana ay waqtiga ku yareeyaan kubbado ay markii ugu horaysay isku dhiibteen.

Ciyaarta ayaa noqotay mid ayna waxba iska badalayn laakiin dhamaadkii qaybtii hore Alvaro Morata ayaa wadnaha hoos u goyn gaadhay kooxdiisii hore ee Juventus kadib markii uu darbo madax ah ugu dhawaaday in uu goolka barbaraha ku keeno laakiin waxaa lagu kala nastay 1-0 ay Juventus ciyaarta hogaanka ugu haysay halka Atletico Madrid ay 2-1 hogaanka ugu hayasay wadarta labada kulan.

Markii layskugu soo laabtay ayay Juventus soo laabtay iyada oo markale u dhaarsan in ay soo laabashada dhamaystirto halka Atletico madrid ay wali ciyaarta ku dhibtoonaysay.

Daqiiqadii 49 aad Juventus ayaa si buuxda ciyaarta ugu soo laabtay kadib markii ay iska soo celisay goolkii labaad ee lagu lahaa iyada oo  Cristiano Ronaldo uu markale awooday in uu ka dhex baxay laba difaac oo Atletico Madrid ah wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu ka helay João Cancelo waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay babraro ku yihiin labada kooxood wadarta labada kulan.

Intaa kadib ciyaarta ayaa noqotay mid adkaatay oo ay labada kooxood ku dhibtoonayeen in ay abuuraan fursado gool dhalineed laakiin wali Juventus ayaa ahyad kooxda kubbada ugu badan haysay ee fursad abuuris raadinaysay,.

Daqiiqadii 82 aad Juventus ayaa u muuqatay in ay heshay goolka guusha kadib markii uu  Kean uu kubbad kula soo baxay goolka Atletico Madrid laakiin waxa uu si lama filaan ah u lumiyay fursad uu goolka si cad ugula soo baxay.

Daqiiqadii 84 aad REKOODHE!! Juventus ayaa ku guulaysatay rekoodhe kadib markii uu  Bernardeschi qalad kala kulmay Correa wuuxuna mariiba garsooruhu tilmaamay rekoodhe taas oo Juventus siisay wixii ay ciyaarta ka doonayeen.

Daqiiqadii 86 aad Cristiano Ronaldo ayaa jahada qalday u diray goolhaye Oblak si uu u dhamaystirto saddexleyda taariikhiga ahayd ee uu Juventus ugu soo saaray siddeed dhamaadka UEFA Champions League wuxuuna Ronaldo sidaa ku dhaliyay goolka ay Old Lady ku xaqiijisatay booskeeda isla markaana ay Atletico Madrid kaga cidhibtiray tartankan.

Cristiano Ronaldo ayaa ka soo baxay doorkii ay Juventus u soo iibsatay kaas oo ahaa in uu ku hogaamiyo Champions League wuxuuna awooday in habeen adag uu saddexley goolal ah ka dhaliyay kooxdii uu hore ugula soo xifiltamay Madrid ee Atletico Madrid.

Atletico Madrid ayaan wax fursad ah u helin in ay la timaado goolka ay Juventus kaga cidhibtiri kartay tartankan waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 3-0 uu Cristiano Ronaldo guuldaro ku baday Atletico Madrid isla markaana uu kooxdiisa Juventus ugu soo saaray siddeed dhamaadka UCL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews