HOHADNEWS.COM
Chelsea Oo Bar-Bardhac Dirqi Ah La Gashay Wolves, Eden Hazard Oo Wakhtigii Dhimasha Guuldarro Ka Badbaadiyay Kooxdiisa & Blues Oo Markale Fursad Weyn Lumiyay.
March 10, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARAHA(HOHAD-NEWS)Chelsea ayaa bar-bardhac soo daahay la gashay kooxda Wolves oo marti u ahayd isla markaana in badan hoggaanka haysan kuna dhawaatay inay saddexda dhibcood kala tagto Stamford Bridge.

Jiminez oo weerarka uga dheela Wolves ayaa horraantii qaybta dambe hoggaanka u dhiibay kooxdiisa kahor inta uusan Hazard kansalin daqiiqadihii dheeriga ahaa ee kulanka.

Shaxaha Labada Kooxood Ee Kulanka

Chelsea

WOLVES

 

Falanqayna Guud Ee Kulanka

Fursada xaqiiqada ahayd ee ugu horreysay ee kulankan ayaa timid daqiiqadii 19-aad waxaana helay Higuain oo geeska midig ka joogay goolka isaga oo si xoogan kubadda ugu soo laagay goolka balse goolhaye Patricio ayaa badbaadiyay.

Qaybta hore ayaa gabi ahaanba ahayd mid wax fursado ah oo badan aan la isku helin iyadoo ciyaartu ahayd mid xidhan waxaana sidaa kusoo dhammaatay qaybta hore ee kulanka.

GOOAL: Qaybta dambe ayaa la iskugu soo laabtay waxaana gool la timid kooxda martida ahayd ee Wolves oo weerar rogaal celis ah qaaday, Raul Jiminez oo baas ka helay Diogo Jota ayaa ku guuleystay inuu kubad kusii dhacday Azpilicueta ku gataaco shabaqa Blues.

Intaa kaddib xamaasada dhabta ah ee ciyaarta ayaa bilaabantay waxaana meel dhaw kubad xoogan ka darbeeyay Higuain balse waxa badbaadin sameeyay goolhayaha kooxda martida ahayd isaga oo kubadda uu iska caabiyay dhinac u saaray.

Markale Chelsea ayaa ku dhawaatay inay iska soo gudo goolka waxaana meel xerada ganaaxa ka baxsan laag xoogan ka sameeyay Pedro balse waxa markale kubadda goolkiisa ka leexiyay Patricio oo shaqo adag hayay.

Higuain oo ahaa xiddiga Chelsea dhaq-dhaqaaqa ugu badan u samaynayay ayaa markale darbad ku toogtay goolka Wolves balse kuma uusan aadin goolka.

Loftus-Cheek oo bedel ku yimid ayaa markiisa tijaabiyay goolka balse waxa uu ku fashilmay inuu dhaafiyo goolhaye Rui Patricio.

CAJIIB: Wllian Borges ayaa qarka u fuulay inuu goolka u keeno kooxdiisa balse kubad qurux badan oo uu kasoo laagay banaanka xerada ganaaxa ayuu fal-celin cajiib ah sameeyay goolhaye Patricio oo badbaadiyay.

GOOAL: Chelsea ayaa dedaal badan kadib la timid goolka bar-bardhaca waxaana daqiiqadii 92-aad gool uu meel fog kasoo tuuray dhaliyay Hazard oo ugu dambayn jabiyay daafaca Wolves.

Ugu dambayn, Kulanka ayaa kusoo dhammaaday bar-bardhac min hal gool ah isaga oo Hazard noqday halyeeyga kulankan ee Chelsea.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews