HOHADNEWS.COM
Barcelona Oo Camp Nou Ku Gumaaday Lyon, Lionel Messi Oo Afar Gool Ku Lug Yeeshay Iyo Blaugrana Oo Iska Xaadirisay Siddeed Dhamaadka UCL Champions league.
March 14, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARAHA(HOHAD NEWS)

Barcelona ayaa Camp Nou ku xasuuqday kooxda Lyon waxayna Blaugrana xili ciyaareedkii 12 aad oo xidhiidh ah u soo baxday siddeed dhamaadka UEFA Champions league. Barcelona ayaa dhinac iskaga dhigtay iska caabintii kulankii lugtii hore ee Lyon waxayna qayb ka noqdeen kooxaha wareega siddeed dhamaadka Champions league u soo baxay.

Lionel Messi ayaa laba gool kulankan ka dhaliyay halka Coutinho, Ousmane Dembele iyo Gerard Pique ay min hal gool dhaliyeen waxayna sidaa ku dileen rajadii kooxaha reer France ee ka sii qayb ahaanshaha Champions league. Barcelona ayaa ah kooxda kaliya ee difaacaysa calanka Spain.

Barcelona ayaa Lyon ku xasuqday 5-1 waxayna fariin cusub u sii dirtay todobada kooxood ee ay kula biirtay siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

LYON (3-5-2): Anthony Lopes; Jason Denayer, Marcelo, Marcal; Leo Dubois, Lucas Tousart, Tanguy Ndombele, Nabil Fekir, Ferland Mendy; Moussa Dembele, Memphis Depay.

Kaydka: Rafael, Houssem Aouar, Bertrand Traore, Kenny Tete, Pape Cheikh, Maxwel Cornet, Mathieu Gorgelin.

BARCELONA (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Sergi Roberto, Clement Lenglet, Gerard Pique, Jordi Alba; Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Arthur; Lionel Messi, Luis Suarez, Philippe Coutinho.

Kaydka: Nelson Semedo, Ousmane Dembele, Jasper Cillessen, Malcom, Arturo Vidal, Samuel Umtiti, Carles Alena.

Barcelona ayaa qaybtii hore ee kulanan waxay sii qabsatay in badan oo shaqdii sugaysay ah iyada oo kooxda martida u ahayd ee Lyon dhibaato badan ku abuurtay, waxayna Barca awooday in ay wax badan sii hormarsatay ka hor qaybtii labaad ee kulankan.

Daqiiqadii 16 aad rekoodhe! Barcelona ayaa rekoodhe lagu abaal mariyay kadib markii uu xidiga kooxda Lyon ee Denayer  uu qalad ku galay Luis Suarez iyada oo aanu garsooruhu ka laba labayn in uu rekoodhe toos ah tilmaamo.

Daqiiqadii 17 aad Lionel Messi ayaa rekoodhaha kooxdiisa lagu abaal mariyay gool u sarifay kadib markii uu tuuray rekoodhaha qaabkiisa loo yaqaan Panenka ee jaqafta ah wuxuuna goolhaye Lopes awoodi waayay in uu wax badbaadin ah sameeyo, ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Daqiiqadii 31 aad Barcelona ayaa murugo ku sii abuurtay kooxda Lyon kadib markii uu Philippe Coutinho dhamaystiray kubbad ay ka soo shaqeeyeen Athur iyo Luis Suarez oo caawinta goolkan lahaa, wuxuuna Coutinho dhaliyay goolka ay suurtogalka tahay in uu xaaladii xumayd kaga baxo.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-0 ay Barcelona hogaanka ku dheeraysatay waxayna sidoo kale Blaugrana ahayd kooxda fursadaha ugu badan abuuraysay taas oo Lyon ku qasabtay in ay ka fikiraan sidii ay marka hore ku joojin lahaayeen goolasha badan ee laga dhalin karayay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay Barcelona guul ugu taagnayd isla markaana uu culayska ugu wayn saarnaa kooxda baaqiga ahayd kooxihii reer France ee Lyon.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Lyon soo laabtay iyada oo doonaysay in ay wax walba u hurto in ay goolal keensato laakiin Barcelona ayaa markiiba bilawday in ay goolal kale raadsato.

Daqiiqadii 47 aad Lionel Messi ayaa ugu dhawaaday in uu dhaliyo goolka saddexaad ee Barcelona laakiin Marcal  ayaa awooday in uu kubbada goolka gali lahayd ka soo qabtay.

Daqiiqadii 58 aad kooxda Lyon ayaa rajadii kooxdeeda ku soo celisay goolkeeda furitaanka kadib markii uu L. Tousart awooday in uu dhaliyay goolka saamaynta maskaxiyanka ah ciyarta ku yeeshay waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay wali Barca hogaanka ku hayso balse uu walwal cusubi u ubilawday.

Daqiiqadii 78 aad Lionel Messi ayaa meesha ka saaray walwalkii Barcelona soo food saaray kadib markii uu dhaliyay goolkiisa labaad iyo kan saddexaad ee Barca kadib markii uu caawin ka helay Sergio Busquets waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Blaugrana ku soo ceshatay hogaankii labada gool ahaa.

Daqiiqadii 81 aad Lionel Messi ayaa saamaynta uu ciyaarta ku yeeshay heer kale u qaaday wuxuuna Gerard Pique u sameeyay caawinta goolka afraad ee Barcelona ay ciyaarta sida rasmiga ah ugu dishay wuxuuna Pique oo gool dhalintiisa xili ciyaareedkan sii wataa uu natiijada ka dhigay 4-1 ay Barce ku dishay Lyon.

Daqiiqadii 86 aad Ousmane Dembele ayaa dhaliyay goolka shanaad ee ceebta ku sii kordhiyay Lyon laakiin Lionel Messi ayaa goolkii labaad oo xidhiidh ah ka caawiyay Dembele isaga oo sidaa ugu lug yeeshay afar gool oo ka mid ah shanta gool ee ay Barca guusha ku gaadhay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5-1 ay Barcelona xasuuqday kooxda martida u ahayd ee Lyon waxayna Blaugrana u soo baxday wareega siddeed dhamaadka UCL kaas oo ay xili ciyaareedkii 12 aad oo xidhiidh ah iska xaadirisay.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews