HOHADNEWS.COM
Arsenal Guul Dahabi Ah Ka Gaadhay Man United, Aubameyang & Granit Xhaka Oo Soo Gaba Gabeeyay Rekoodhkii Solskjaer Iyo Gunnars Oo Kaalinta Afraad Ka Riixaday United.
March 10, 2019 - Written by Hohad Office

WARARKA CIYAARHA(HOHAD-NEWS)

Arsenal ayaa guul dahabi ah garoonkeeda Emirates Stadium kaga gaadhay Manchester United waxayna Gunnars awooday in ay saddex dhibcood oo lix dhibcood la micno ah ka heshay Red Devils iyada oo waliba heshay fursada ay kaalinta afraad ugala baxday Man United.

Granit Xhaka iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Arsenal ka caawiyay in ay gaadheen guusha muhiimka u ah xili ciyaareedkooda Premier league kadib markii ay min hal gool dhaliyeen labadii qaybtood ee kulankan.Man United ayaa ku fashilantay in ay wax dhibcod ah ka soo hesho Emirates Stadium waxayna soo lumiyeen kaalintii afraad ee ay ku soo jireen waxayna hadda Gunnars heshay fursad wayn oo ay xili xaasaasi ah kaalinta afraad ugu fadhiisatay iyada oo waliba hadda hal dhibic oo kaliya ka hoosaysa kaalinta saddexaad ee ay Tottenham ku jirto.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER UNITED (4-4-2): David de Gea; Ashley Young, Chris Smalling, Victor Lindelof, Luke Shaw; Diogo Dalot, Nemanja Matic, Fred, Paul Pogba; Marcus Rashford; Romelu Lukaku.

Kaydka: Eric Bailly, Anthony Martial, Andreas Pereira, Marcos Rojo, Sergio Romero, Scott McTominay, Mason Greenwood.

ARSENAL (3-4-3): Bernd Leno; Sokratis Papastathopoulos, Laurent Koscielny, Nacho Monreal; Ainsley Maitland-Niles, Aaron Ramsey, Granit Xhaka, Sead Kolasinac; Alexandre Lacazette, Mesut Ozil, Pierre-Emerick Aubameyang.

Kaydka: Petr Cech, Mohamed Elneny, Alex Iwobi, Shkodran Mustafi, Denis Suarez, Matteo Guendouzi, Eddie Nketiah.

Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahaa mid xiiso badan oo ay labada kooxoodba dagaal xoogan ku soo bandhigeen wuxuuna ahaa kulan sidii finalka oo kale ay labada kooxood saddexda dhibcood ugu loolamayeen maadaama oo ay ogaayeen saamaynta uu kaalmaha sare ku yeelanayo.

Daqiiqadii 9 aad BIRTA GOOLKA! Man United ayaa ku dhawaatay in ay goolka furitaanka keensato kadib markii uu Luka Shaw karoos halis ah soo sameeyay isla markaana uu Lukaku ku dhawaaday in uu gool ku dhaliyo fursadan laakiin darbada uu lugta midig ku sameeyay ayaa sare u kacday waxayna ku dhacday birta sare ee goolka.

Daqiiqadii 12 aad Arsenal ayaa la timid goolkeeda furitaanka kadib markii uu Granit Xhaka dhaliyay mid ka mid ah  goolaashii gantaalka ahaa ee looga bartay wuxuuna kubbad uu ka helay Lacazette uu ku ganay goolka Man United wuxuuna De Gea arkay kubbada aanay jirin wax uu ka qabtaa inkasta oo uu wax ka fiican samayn karayay, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku qabtay.

Goolhaye David De Gea oo looga bartay in uu sameeyo gool badbaadino layaableh ayaa naftiisa si wayn ugu cadhoon doona in uu ku fashilmay in uu darbada Xhaka badbaadiyo maadaama oo uu meel fog ka soo tuuray.

Daqiiqadii BIRTA GOOLKA!! Man United ayaa markale birta u garaacday Arsenal kadib markii ay Pogba iyo Fred soo wada ciyaareen laakiin darbo uu tuuray xidiga reer Brazil ayaa birta goolka meel hoose kaga dhacday waxayna Man United markale seegtay fursada ay ciyaarta ugu soo laaban kartay.

Daqiiqadii 36 aad Man United ayaa ugu danbayn u muuqatay in ay goolka barbaraha keensanayaan kadib markii uu Rashford kubbad halis ah u bixiyay Lukaku kaas oo isku dayay in uu goolhaye Leno dhulka dhigo laakiin darbada uu goolkan ku dhalin lahaa ayuu Leno oo dhulka jiifay uu gacan ku joojiyay!.

Man United ayaa fursado fiican abuurtay laakiin waxay ku fashilmeen in ay wax goolal ah dhaliyaan qaybtii hore halka Arsenal ay shaqo wayn ka qabtay difaacasho ahaan isla markaana ay fursado ku raadinaysay goolka labaad, laakiin qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Man United soo laabtay iyada oo dar dar xoogan ugu socotay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd laakiin Arsenal ayaa sii waday in ay hogaanka ciyaarta u dagaalanto.

Daqiiqadii 51 aad Lukaku ayaa goolka Arsenal hortiisa ku helay kubbad dilaa ah oo ka soo baxday lugta Fred wuxuuna u baahnaa kaliya in uu kubbada dhaafiyo goolhaye Leno laakiin ma rumaysan kartid qaabkii uu Leno lugtiisa ugu adeegsaday in uu gool cadaan ah ku joojiyo inkasta oo ay ciyaartoyda Arsenal ku doodeen in Lukaku uu offside ku jiray.

Ciyaarta ayaa noqotay mid adkaatay oo ay Man United awoodi kari wayday in ay goolka barbaraha si sahlan ku keensato laakiin Arsenal ayaaba bilawday in ay raadiso goolka labaad si ay Man United niyadjab ugu sii abuurto.

Daqiiqadii 68 aad REKOODHE!  Lacazette ayaa Arsenal rekoodhe ugu guulaystay kadib markii uu kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa Man United wuxuuna qalad kala kulmay Fred iyada oo markiiba uu garsooruhu rekoodhe tilmaamay.

Daqiiqadii 69 aad  Aubameyang ayaa kooxdiisa Arsenal u saxiixay goolka labaad ee uu rekoodhahan ku dhaliyay isaga oo dhinac iskaga dhigay niyadjabkii rekoodhihii kulankii Tottenham, wuxuuna awooday in uu goolhaye David De Gea si sahlan u garaacay wuxuuna  Aubameyang ciyaarta ka dhigay 2-0 ay goolka labaad ee kalsoonida ku keensadeen.

Man United ayay xaaladu ku xumaatay wuxuuna Ole Gunnar daqiiqadii 71 aad ciyaarta soo galiyay Anthony Martial isaga oo saaray Diogo Dalot waxayna Man United bilawday in ay dagaalka sii laba jibaarto balse wali Arsenal ayaa si cadaadis la’aan ah ku ciyaaraysay.

Daqiiqadii 71 aad Victor Lindelof  ayaa qalad waali ah sameeyay wuxuuna is arkay isaga oo kubbad uu madaxa ku dhuftay ay Lacazette siisay fursada uu goolka United ugu furnaa laakiin darbada uu Lacazette si sahlan ugu dhalin kari lahaa goolka saddexaad ayaa si lama filaan ah banaanka u mariyay!.

Unai Emery ayaa laba isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna ciyaarta soo galiyay Alex Iwobo uu Mesut Ozil ku badalay iyo Denis Suárez oo uu ku buuxiyay booskii uu ka saaray P. Aubameyang laakiin Ole Gunnars ayaa daqiiqadii 80 aad kaga jawaabay in uu ciyaarta ka saaray Matic wuxuuna soo galiyay M. Greenwood!.

Daqiiqadii 86 aad Emery ayaa ciyaarta ka saaray Lacazette oo habeen fiican qaatay isla markaana qaab ciyaareed fiican sameeyay waxaana booskiisa lagu soo buuxiyay da’yarka Nketiah.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Arsenal guul dahabi ah kaga gaadhay Man United waxayna guushani Gunnars ka caawisay inay Man United gadaal iska marisay isla markaana ay kaalinta afraad ku soo fadhiisteen.

Arsenal ayaa yeelatay 60 dhibcood halka Man United ay sii lahaan doonto 58 dhibcood waxayna Gunnars hadda hal dhibic u soo jirsatay kaalinta saddexaad oo ay Tottenham ugu jirto 61 dhibcood halka Chelsea ay iska lumisay fursad ay sare ugu soo kici kartay.

Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee Man United guuldaro baday muddadii uu Ole Gunnars Solskjaer uu maamulayay Red Devils laakiin guuldarada soo gaadhay Man United waxay sabab u noqotay in lumiyeen fursad wayn oo ay Tottenham kula dhibco noqon kareen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews