HOHADNEWS.COM
Arrimo Dumarka U Goonni Ah oo Aaney Raggoodu Xaq U Lahayn Iney Soo Farageliyaan
January 26, 2019 - Written by wariye sakariye
Labada ruux ee is qabtaa waxawalba wey wadaagaan, nolosha qoyska ee fayow waxey ku dhisan tahay run isu sheeg iyo inaan waxba la isku qarin, halkaas ayuuna ka sameysmaa qoys adag, laakiin waxaa jira waxyaabo lagama maarmaan ah oo ay tahay in la wada ilaaliyo, waxaa jira xuduud labadooda u dhaxeysaa iyo xayndaab aan la gudbi karin oo qofina xaq u lahayn inuu soo farageliyo dadka.

Waxaa jira arrimo ay lagama maarmaan tahay iney gabadhu ku diiddo lamaanaheeda inuu soo farageliyo; maadaama uu iyada goonni u yahay, xaqna ay u leedahay iney sida ay doonto ay ugu taliso, taasi kama dhigna iney tahay iney ka qariso, laakiin waa iney diiddo inuu soo farageliyo oo si aan wanaagsaneyn uu go’aankeeda u saameeyo.

Waana sida ay caddeynayso haweenayda la talinta arrimaha qoyska ku takhasustay ee la yiraahdo (Iimaan Kaamil).

Iimaan waxey leedahay waxaa jira arrimo ay go’aankeeda leedahay haweenayda; maadama uu kaligeed khuseeyo, lamaanaheeda wey kala tashan kartaa, laakiin xaq uma laha inuu ka horistaago. xilligaas waa iney ku diiddo inuu soo farageliyo, waxaana ka mid ah:

-Xiriirka qoyska: qoyskeeda, aabaheed, hooyadeed, walaaladeed, waa arrimo qoys oo gaar u ah, waxaa dhici karta in qoyska ay dhibaato dhex taallo, waxaa jira dumarka qaar oo mashaakilka haysta aan lamaanahooda la wadaagin, waxa uu xaq u leeyahay in wixii jira lala socodsiiyo, laakiin go’aannada ay gaarto xaq uma laha inuu ka horistaago, uma diidi karo iney qoyskeeda aaddo, xilliga ay xaaladdu ku xun tahay oo ay u baahan yihiin.

-Xaq uma laha inuu ku khasbo iney mushaarkeeda masruuf ka bixiso: gaar ahaan marka ay shaqeynayso, raggu iyagaa dumarka u dhaxay mas’uul ka ah, iyagaa laga rabaa wax bixinta, markaa haddii ay bixineyso kharashaadka ilmaha lagu xanaaneynayo iyadoo aan ka gaabineyn waajibaadkeedii aasaasiga ahaa ee guriga iyo ninkeeda ka saarnaa, xaq uma laha inuu ku khasbo iney guriga lacag ku bixiso.

-Xaq uma laha inuu ka horistaago iney ehelkeeda caawiso: marka ay gabadhu shaqeyso, oo xooggeeda ay wax ku hesho ama ay bankiga lacagi u taallo xaq uma laha inuu ka horistaago iney reerkeeda caawiso, maadama ay lacagteeda tahay, isagaaba laga rabaa inuu garab istaag u sameeyo qoyska xaaskiisa waxey u tahay sharaf, maadama ay xidid yihiin.

-Xaq uma laha inuu jaasuuso oo uu qof dabadhigo ama uu taleefoonkeeda baarto: inuu weydiiyo numbarka sirta ah ee taleefoonkeeda ku xiran ama passwordka xisaabta uga furan baraha bulshada xaq uma laha, waa meesha mashaakilka oo dhan ay ka bilowdaan, waxaa lagama maarmaan ah iney kalsooni jirto.

-Xaq uma laha inuu ogaado wadasheekaysiga ay haweenaydu la sheekaysanayso walaaladeed iyo qoyskeeda, waxaa jiri karta sir qoyska ka dhaxeysa ama mashaakil ay doonayaan iney xal u helaan, qofka ku aamina ha khiyaamin kalsoonidiisa, gabadha waa iney aamin noqoto oo ay ilaaliso sirta qoyskeeda iyo saaxiibadeeda.

Dhammaad

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews