HOHADNEWS.COM
[AKHRI] XEERKA DIINTA ISLAAMKA KA HOR IMANAYA, EE MADAXWAYNE MUUSE BIIXI-NA DHAQAN GALIYAY
September 4, 2018 - Written by wariye sakariye

Waxaanu halka idinku soo gudbin doonaa xeer la sheegay in uu si toos ah uga hor-imanaya diinta islaamka oo muran badan ka dhex abuuray labada golle baarlaam ee wakiillada iyo guurtida kaasi uu dhawaan dhaqan-galiyay madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Halkan hoose ka akhriso xeerkan:

XEERKA kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga
(XEER Lr. 78/2018)

Jamhuuriyada Somaliland
GOLAHA WAKIILADU

Markuu arkay Qodobada 77aad iyo 78aad ee Dastuurka Soomaaliland
Markuu arkay Qodobada 24aad iyo 28aad ee Dastuurka jamhuuriyadda Soomaaliland ee dhigaya xuquuqaha uu qofku u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed; iyo xaqa dacwadda iyo isdifaaca.
Markuu arkay Qodobka 36aad ee Dastuurka Jamhuuroiyada Soomaaliland ee dhigaya xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda iyo damiirkooda; iyo waajibaadka Dastuuriga ah ee Qaranka iyo Dawladda ka saaran, daryeelista iyo xanaanaynta dadka nugul sida haweenka, dhallaanka, naafada iyo dadka aan xiskoodu dhammayn.
Markuu garawsaday In Kufsiga iyo xad gudubyada jinsigu yihiin hab dhaqanno ama fal xad gudub iyo waxyeelo weyn ku ah xuquuqaha baniaadamka ee Dastuurka Soomaaliland iyo shuruucda caalamku dhigayaan, fayo qabka cidda dhibanaha ah ee falkaasi lagula kaco iyo waliba horumarka dhaqan dhaqaale ee bulshada
Markuu aqoonsaday In baryahan dambe Kufisga iyo Dambiyada kale ee xad- gudubyada Jinsigu aad u kordhayaan kana dhaccaan dhammaan gobolada iyo degmooyinka Soomaaliland; iyo in dadka nugul sida haweenka, dhalaanka iyo naafadu yihiin cidda ugu badan ee lagula kaco falalkan ee ah dhibenyaasha dambiyada kufsiga iyo xad-gudubyada kale ee jinsiga ;
Markuu ogaadey In xeerarka maanta jira ee lagaga dhaqmo gudaha Soomaaliland ayna ahayn kuwo awood u siinaya ama u saamaxaya Qaranka iyo Hay’adahiisu in ay u maareeyaan una xaliyaan dambiyada kufsiga iyo xadgudubyada Jinsiga si haboon oo waafqsan xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee ku xusan Dastuurka ee cidda lagula kacay ah fal dambiyeed noocaasi ah
Markuu Garwaaqsaday In ay jirto baahi taagan oo loo qabo in la helo Xeer iyo nidaam waafaqsan Dastuurka Soomaaliland iyo min-qiyaasyada caalamiga ah ee xuquuqal insaanka oo wax ka tari kara mamnuucidda iyo ka hortagista kufsiga iyo xad gudubyada Jinsiga; ciqaabista cidda ku kacda fal damiyeedyadan iyo dhawrista cidda u nugul fal dambiyeedyadan ee ay ka midka yihiin haweenka, dhalaanka iyo naafadu;
Markuu Garawsaday In ay lagama maarmaan tahay in la dabaqo lana waajajiyo xeerkan axkaamta shareecada islaamka, Dastuurka iyo Xeerarka kale ee fal dambiyeedyada Ciqaabta.

Wuxuu soo saaray
Xeerka kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga
Xeer Lr. 78/2018

Cutubka Koowaad:
QodobADA Guud

Qodobka 1aad
Qeexid

Haddii tuduca ay ku jiraan aanu micno kale siinayn, ereyada soo socda waxa ay yeelanayaan micnaha ku hor qoran:

“Qasbid” waxaa loola jeedaa cabsi gelin ama ku qasbid qof in uu galo ama ka qeyb qaato fal dambiyeed kufsi ama xad-gudub jinsi ah si ka soo horjeedda rabitaanka qofka kale tiiyoo loo isticmaalaayo xoog, cadaadis xagga maskaxda ama handadaad.

“Naafo” waxaa loola jeedaa qof jidh ama maskax ahaan dhiman.

“Koox Abaabulan” waxa loola jeedaa laba qof ama in ka badan oo isu abaabulay inay si wadajir ah u galaan ama u sameeyaan fal dambiyeed.

“Maandoorsoomidda/maandoorin” waxaa loola jeeda xaaladda uu qof ku lumiyo awoodda garashada sabab la xidhiidha cabid Khamri, qaadasho maandooriye ama walxo kale oo la dabeecad ah

“Fal jinsi (Sexual Act)” Waxaa loola jeedaa galmo, ama fal kale oo khuseeya, ku lug lahaansho, fal jinsi loo aanayn karo oo lagula kaco xubnaha taranka, dabada, afka ama qaybkale oo ka mid ah jidhka qofka.

“Galmooda/galmoodo” (Sexual Penetration) waxaa loola jeedaa gelitaanka xaddigey doontaba ha gaadhsiisnaato’e xubinta taranka ee qof ay gasho xubinta taranka, dabada ama afka qof kale.

“Qof aan awoodin in uu ogolaaansho bixiyo” waxa loola jeeddaa:
b) Qof dhallaan ah oo ka yar 15 jir; ama
t) Qof aan lahayn awood uu ku fahmo nuxurka iyo nooca falka galmada dhinnansho xaga maskaxda ah awgeed; ama
j) Qof naafonimo jidheed darteed iska difaaci kari waayay eedeysanaha falka kula kacay; ama
x) qof la sakhraamiyay ama la maandooriyay; ama
d) qof hurda ama miyir la’; ama
kh) qof sharci darro loo xidhay/xabisay ; ama
r) haddi cidda fal dambiyeedka kula kacday ama u gaysatay yahay qof ku tagrifaley
meeqaam aaminaad, awood ama madaxtinimo; ama
s) bqof lagu khiyaameeyeyey ama lagu qalday nooca falka galmo ama cidda uu la galmoonayo.

“Waxyeello Jidheed (Bodiliy Harm)” waxaa loola jeeda Xanuun ama dhaawac u keenaayo caafimaad darro qof;

“Dhaawac” aan laga bogsoonaynin ” waxa loola jeedaa dhaawac la gaadhsiiyay dhibanaha oo ay ka dhalato xanuun ama waxyeelo aan la daweyn karaynin; ama dareen ka oo luma ama xubin go’da, ama xubin ama waax naafawda ; ama naafanimo xubinka ama awoodda taranka; ama hadalka oo la kari waayo ama ku adkaada, ama wajiga oo badalma ama fool xumaada;

“Dhaawac Culus’’ waxa loola jeedaa dhaawac la gaadhsiiyo dhibanaha oo dhaliya xanuun khatar galiya nolosha dhibanaha; ama xanuun ama caafimaad darro keenta in dhibanahu shaqayn kari waayo muddo ka badan laba bilood; ama in uu diciifo dareen ama xubin kale oo ka mid ah jidhka dhabanaha;

“Jidh-dil”(Torture) waxaa loola jeeda in si sharci darro ah loogu geysto qof xanuun culus oo dhimirka, dareenka ama jirka ah;

“Dhibbane” waxaa loola jeeda qofka dhaawac ama khasaare ay ka soo gaadhay fal dambiyeedka;

“Eedeysane ” – waxaa loola jeeda qof lagu soo eedeeyay fal dambiyeed sida ku cad xeerkan;

“Qofka haya/ku tagri fala ama si qaldan u adeegsada xil, mas’uuliyad ama meeqaam aamineed” waxa loola jeedaa:
b) Sarkaal dawladeed ama shaqaale dawladeed,
t) Dhakhtar caafimaad, kal kaaliye caafimaad ama hawl-wadeen kale oo caafimaad,
j) Samofale, Lataliye, ama u adeege bulsho oo kale,
x) Maamule, macalin ama hawlwadeen kale oo ka hawl gala goob wax barasho, ama
kh) Qof ah qaraabo ama shaqaale oo lagu aaminay ama igmaday xanaanaynta qof dhalaan ama naafo ah.
“Cudurada galamada la isgu gudbiyo” waxa loola jeeddaa xanuun ay dadku ku kala qaadaan ama isugu gudbiyaan galamada

” Aydhiska ” waxaa loola cudurka baab’iya unugyadda difaaca jirka (HIV/AIDS).

“Caruur” waxaa loola jeeda qof da’diisu ka yartahay 18 jir

“Xadhig Sharci darro ah” (unlawful detention) waxaa loola jeedaa in si shrci darro ah qof loo xiro am xorriydda looga qaado.

” Xarunta/maha Baahikoob ” waxa loola jeedddaa xarumaha ka dhisan Cusbataalada dawladda ee Gobolada Soomaaliland ee u fidiya dadka loogaysto kufsi ama faldambiyeed xadgudub jinsi adeegyada caafimaad, dajinta ama caqli celinta iyo gargaar sharci ee ay u baahdaan, ee sidoo kalena ku sameeya dhibeneyaasha faldambiyeedyadan baadhista caafimaadeed ee lagama maarmaan ka u ah geedi socodka dambi baadhista dambiyada noocan ah.

” Wasaaradda” waxa loola jeedaa hay’adda xukuumadda uga mas’uulka ah arimaha qoyska iyo haweenka.

“Wasiirka” Waxa loola jeeda madaxa hay’adda xukuumadda uga mas’uulka ah arimaha qoyska iyo haweenka.

Qodobka 2aad
Magaca Xeerka

Xeerkan waxaa lagu magacaabi doonaa ” Xeerka Kufsiga iyo xadgudubyada Jinsiga ah” ee Xeer Lambar. 78/2018

Qodobka 3aad
Ujeedooyinka Xeerka

Ujeedooyinka Xeerkan waxay yihiin kuwan soo socda:

(1) In la dajiyo xeer waafaqsan ama la jaan qaadi kara dastuurka, minqiyaasyada caalami ee xaquuqaha aadamaha iyo mab; aadiida guud ee cadaaladda oo ku haboon waxna ka tari kara in la mamnuuco lagana hortago kufsiga iyo fal dambiyeedyada kale ee jinsiga

(2) In la xaqiijiyo in dhibeneyaasha kufsiga iyo fal dambiyeedyada kale ee jinsigu, iyo waliba markhaatiyadoodu helaan ilaalin iyo dhawrista ay ubaahan yihiin

(3) In la helo xeerar sahlaya ama saamaxaya in nidaamka maareynta iyo xalinta dambiyada kufsiga iyo xadgudubyada kale ee Jinsiga noqdaan mid haboon oo la isku halayn karo waafqsana xuquuqaha iyo xoriyaadka Dastuuriga ah ee cidda dhibanaha ah iyo eedeysanehaba.

(4) In sida ugu haboon loo ilaasho loona daryeelo bulshada qaybteeda nugul ee ay ka mid ka yihiin haweenka, caruurta iyo naafadu;

(5) In la dajiyo nidaam xaqiijin kara ilaalinta ama dhawrista xuquuqaha dhibaneyaasha fal dambiyeedyada kufsiga ama xadgudubyada jinsiga sida xaqa xurmeynta nolosha gaar ahaaneed, xaqa dacwadda iyo isdifaaca iyo xaqa in la siiyo magdhaw; iyo

(6) In dawladdu awood u yeelan karto aqoonsashada iyo dabo galista dabmiileyaasha galay kufsi ama xadgudubyada jinsi.

Cutubka Labaad:
Xadgudubyada Jinsiga

Qaybta Koowaad:
Kufsiga Iyo Xad-gudubyada Jinsiga

Qodobka 4aad.
Kufsi
(1) Qof kasta oo

b) isticmaalaya xoog, qasab ama hanjabaad kula kaca galmo aan sharci ahayn qofkale oo aan ogoleyn raalina ka ahayn.

t) Kula kaca galmo aan sharcigu banayn qofkale oo aan awoodin bixinta raali ka ahaanshiyo waxa uu galay fal dambi kufsi, waxaana uu mutaysanayaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa shan iyo toban ilaa labaatan sannadood

(2) Ciqaabta la saarayo ama uu mutaysanayo eedeysanaha lagu eedeeyo faldambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan, waxay noqonaysaa ciqaab xabsi oo u dhaxaysa Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan sannadood, haddii Dhibanaha fal dambiyeedku yahay qof carruura oo da’ diisu tahay 15 jir ama ka yar;

(3) Qofka gala fal dambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan waxa uu mutaysanayaa ciqaab xabsi daa’in ah haddii :
b) Uu eedeysanuhu gaadhsiiyo dhibanaha dhaawac mas kaxeed ama jidheed oo aan laga bogsoonaynin; ama
t) uu sababo faldambiyeedkaasi dhibenaha oo qaada cudurka HIV Aydhiska.

(4) Qofkasta oo isku daya in uu galo fal dambiyeed kufsi ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Afar ilaa Todaba sannadood

Qodobka 5aad:
Kufsi Wadareed

(1) Qofkasta oo gala fal dembi kufsi isagoo ka mid ah koox abaabulan, waxa uu galay kufsi wadareed, waxaana uu mutaysanayaa xabsi ciqaabeed u dhaxeeya labaatan ilaa shan iyo labaatan sannadood.

(2) Haddii uu eedeysanuhu kula kacay fal dambiyeedka qof carruur ah oo da’diisu tahay 15 jir ama ka yar waxa uu mutaysanyaa xabsi ciqaabeed u dhaxeeya Saddex iyo Labaatan ilaa Siddeed iyo Labaatan sannadood.

(3) Qofka gala faldambiyyed kufsi wadareed ahi waxa uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed xabsi daa’in ah, haddii
b) Uu eedeysanuhu gaadhsiiyay dhibanaha dhaawac mas kaxeed ama jidheed aan laga bogsooneynin; ama
t) uu faldambiyeedku sababay dhibanaha oo qaaday cudurka aydhiska

(4) Qofka isku daya in uu galo kufsi wadareed waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Shan ilaa Todoba sannadood

Qodobka 6aad-
Ku-Xadgudub keentay Kufsi/Kufsi Awood Sheegasho

1. Qof kastaa isagoo ujeedadiisu tahay samayn galmo ee xubin jidhkiisa ka mida ama shay kale galiya xadigay doontaba ha gaadhsiisnaatee xubintiisa taranka ama xaga dambe ee qof kale waxa uu ku sifoobay galayna faldabiyeed ku xadgudub kufsi/kufsi awood sheegasho waxaana mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa todoba iyo toban ilaa sadex iyo labaatan sanadood oo xadhig ah.
2. Qofka kula kaca faldambiyeedka ku cad farqada koowaad ee qodobkan qof caruur ah oo da’diisu ka yar ama qof naafo ah wuxuu mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa shan iyo labaatan ilaa sodon sanadood oo xadhig ah.
3. Hadii laba qof ama in ka badan ay galaan faldambiyeedka ku cad farqada koowaad ee qodobkan waxay mutaysanayaan ciqaab u dhaxaysa shan iyo labaatan ilaa sodon sanaddood oo xadhig ah.
4. Qof kasta oo isku daya in uu galo faldambiyeedka qodobkan waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhexeeya Shan ilaa Todoba sannadood.

Qodobka 7aad:
Ka faaideysi Jinsi

(1) Qofkasta oo isagoo ujeedadiisu tahay inuu hantiyo macaash lacageed, bulsheed, siyaasaddeed ama faa’iido kale si ula-kac ah:
b ) ku qasba ama ku kalifa qof in uu la sameeyo cid kale galmo ama fal jinsi ah
t ) ku qasba ama ku kalifaa qof in uu gacanta uu u galo cidkale oo ka leh ujeeddo uga faa’iideysi jinsi
j ) Maal galiya ama iska leh, maamula, kireeya goob ama hoy lala tago qofka ujeeddada jinsi uga faa’iideysigu khusayso
x ) u safriya ama tahriibiya qofkale gudaha ama xudduuda Jamhuuriyadda Soomaaliland si uu ugaadho ujeeddo ka faa;iideysi jinsi ah; ama
kh) si qaldan u isticmaala xaaladda nugulnimo ama durruuf dhaqaale bulsheed ee qofkale , ama ku tagri fala meeqaam awoodeed ama aaminaadeed si uu qofkaasi kale uga gaadho ujeeddo ka faa’iideysi jinsi ah

waxa uu galay fal dambi ah ka-faa’iideysi JInsi, waxaana uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya toban ilaa shan iyo taban sannadood.

(2) Haddii fal dambiyeedka Qodobkani dhigayo lagula kaco qof da’ddiisu gaadhayso ama ay ka yar tahay 15 sanno jir, dambiilaha waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya afar iyo toban ilaa todoba iyo toban sannadood oo xadhig ah.
(3) Qofkasta oo isku daya in uu galo fal damiyeed ku cad Qodobkan, waxa uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya saddex ilaa shan Sannadood iyo Ganaax lacageed u dhaxeeya 2,500,000.00 ilaa 5,000,000.00 oo shillinka Soomaaliland ah

Qodobka 8aad
Ku Xad-Gudub Jinsi

Qofkasta oo ay ujeeddadiisu tahay kicinta ama qancinta dareenkiisa jinsi ama dareenka jinsi ee qof kale, si u la kac ah – u fara fareeya jidhka qofkaasi kale oon ogolayn falkaasi, ama qof kaas kale oo ah cid aan awoodin bixinta ogolaansho; ama ugu qasba qofkaa kale in uu isaga/iyada fara fareeyo; ama ugu qasba cidaa kale in ay is faro fareeyo Waxa uu galay fal dambi ah ku xad gudub jinsi, ,waxaana uu mutaysanyaa xadhig ciqaab u dhaxeeya hal ilaa saddex Sannadood.

(1) Ujeedada Qodobkan si loo dabaqo, Ereyga “faro farayn” ee waxa loola jeedaa in qof uu dhunkado, soo qabsado ama isku dhajiyo, ku tiiriyo ama isku xoqo , salaaxo ama tuu tuujiyo jidhka ama xubin ka mid ah jidhka qofka kale.
(2) Hadii faldambiyeedka Qodobkani dhigayo laga galo qof d’adiisu ka yar tahay 15 sanno jir ama qof naafo ah, dambiilaha waxa uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya saddex ilaa shan sannadood.
Qodobka 9aad
Guur Qasab ah

1. Qof kasta oo ku xadgudba shurruudaha sharci ee ogolaanshaha ama raali ka ahaanshaha aasaasiga u ah guurka ee ay dhigayaan Shareecada Islaamka iyo Xeerarka dalku ee si xoog ama qasab ah ugu guursada qof haween ah ama fududeeya, qaban qaabiya ama meel mariya guur isagoo aan xaqiijin ogolaanshaha mid ka mid ah ama dhamaan dhinacyada guurku khuseeyo sida ay dhigayaan shareecada islaamka iyo xeerarka dalka, waxa uu galay fal dambi Guur Qasab ah, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood.

2. Hadii cida cisha gashay faldambiyeedka ku xusan faqrada koowaad ee qodobkani uu
adeegsaday xoog ama uu xoog ku maquuniyo wuxuu mutaysaysanaa xadhig ciqaabeed u
dhexeeya todoba ilaa toban sano

Qodobka 10aad
Ku tagri fal xil ama mas’uuliyad

(1) Qofka haya xil, mas’uuliyad ama meeqaam aamineed ee si ula kac ah u gala fal dambi kufsi ah oo ka dhan ah qof da’diisu tahay 15 sanno jir ama kayar, ama qof naafo ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan Sannadood.
(2) Qofka haya xil, mas’uuliyad ama meeqaam aamineed ee kula kaca xadgudub jinsi qof da’diisu ka yar tahay 15 sanno jir, ama qof naafo ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood.
(3) Qofka haya xil ,mas’uuliyad ama meeqaam aamineed ee gala:
b) fal dambiyeedka uu dhigayo farqadda 1aad ee Qodobkan wax uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya todoba ilaa toban sannadood

Qaybta Labaad:
Diyarin Fal Dambiyeedyo

Qodobka 11aad:
Maandoorin Si Ku Talo gal ah

(1) Qofka si ula kac ah ku kalifa maan-doorsoommidda qof kale oo aan raali ka ahayn, isagoo ujeeddadiisu tahay in uu ku sameeyo/ kula kaco ama in uu fursad u siiyo cid kale in ay ku samayso ama kula kacdo galmo ama fal jinsi ah qofkaas kale waxa uu galay dambi waxaana uu mutaysanayaaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa toddoba sannadood.

(2) Qofka kula kaca faldambiyeed ku cad Qodobkan qof carruur ah oo da’diisu ka yar tahay 15 jir, waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya lix ilaa sagaal sannaadood

Qodobka 12aad:
Afduub iyo Xadhig Sharci Darro ah

(1) Qofkasta oo qafaasha, afduuba, u qaata lahaystenimo ama u xidha si sharci darro ah qofkale si uu ugu la kaco kufsi ama fal xadgudub jinsi ahi waxa uu galay faldambi afduub iyo xadhig sharci darro, waxaana uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa siddeed sannadood
(2) Qofka kula kaca faldambiyeedka ku cad farqada koowaad ee Qodobkan qof carruur ah ama qof naafo ah, waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya todoba ilaa toban sannaddood.
Qaybta Saddexaad:
Duubis iyo Baahin

Qodobka 13aad :
Carrurta oo La-daawadsiiyo Fal la Xidhiidha Jinsi

(1) Qof kasta oo si ula kac ah ugu qasba ama ugu kalifa qof carruur ah in uu daawado cid kale oo samaynaysa galmo waxa uu galay dambi, waxa uuna mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood

Qodobka 14aad:
Isqaawin anshaxdarro ah

Qofkasta oo si ula kac ah dadka dhexdiisa isugu qaawiya ama uga fayda marada xubnahiisa taranku waxa uu galay fal dambi isqaawin anshax darro, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya 3 ilaa 6 bilood iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya 1,000,000 ilaa 2,000,000 oo shillinka Soomaaliland ah.

Qodobka 15aad:
Duubista, Qaybinta ama baahinta Muqaalo fal lidi ku ah Jinsiga

(1) Qofksta oo
b) cod, filim ama sawir ka duuba ama ka qaada fal dambiyeed jinsi ama muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal lidi ku ah jinsi

t) la wadaaga ama qaybiya ama ganacsi ahaan u haysta cod, film ama sawir laga qaadey faldambiyeed jinsi ama muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal jinsi kale

Waxa uu galay faldambi duubis iyo qaybin muuqaal fal jinsi, waxaana uu mutaysnayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya laba ilaa afar sannadood;

(2) Qofku magalin dambi ku cad qodobkan, haddii ujeeddada duubista ama sawiridda, qaybinta ama baahinta muuqaalka falka jinsi ay ahayd gacan siinta ama u gud binta hay’ adaha sharci fulinta.

(3) Qofka ay ujeeddadiisu ahaayd ka ganacsi ee gala fal-dambiyeed ku cad Qodobkan waxa uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood iyo ganaax lacageed u dhaxeeya 3,000,000 ilaa 8,000,000 oo shillinka Soomaaliland ah

CUTUBKA SADDEXAAD.
NIDAAMKA DACWADEYNTA

Qaybta koowaad.
Dacwadeynta iyo Dacwad ku Oogista Xad gudubyada Jinsiga

Qodobka 16aad:
Gudbinta Warbixinta Faldambiyeed Galmo

(1) Dacwad ama cabashho khusaysa dhacdo fal-dambi jinsi waxa gudbin kara:
b) Qofka dhibanaha ka ah dhacdada falka jinsi; ama
t) Qof uu dhibanahu u igmado in uu cabashada gudbiyo; ama
j) Waalid ama qof mas’uul ka ah dhibbanaha, haddii uu dhibbanuhu yahay qof carruur ah ama qof naafo ah.

(2) Dhaktar ama hawlwadeen caafimaad ama adeege Bulsho ayaa gudbin kara warbixinta dacwad dhacdo fal galmo, haddii dhibanuhu yahay qof carruura oo ka yar 15 jir ama qof naafo ah oo gudbinta dacwadaasina ay ku jirto ama tahay danta qofka dhibanaha ah.

Qodobka 17aad:
Goorta gudbinta iyo bilawga dawcwadaha Galmo

(1) Majiro xilli u xaddidan
b) Gudbinta dacwadda ama cabashada dhacdada fal dambiyeed jinsi, ama

t) Billaabista oogista dacwad dhan ka ah la tuhunsane loo haysto fal-dambiyeed jinsi Xeerkan ku dhigan.
(2) Daahinta ama dib u dhaca gudbinta cabasho ama gudbinta warbixinta dacwadda fal dambi jinsi ka mid ah kuwa Xeerkan uu dhigayo looma adeegsan karo caddayn dhan ka ah cidda cabaneysa ama dhibbanaha

Qodobka 18aad:
Cidda loo gudbinayo Cabashada ama Warbixinta Faldambi galmo

Warbixinta ama cabashada dhacdo faldambi galmo waxa loo gudbin karaa rug ama Saldhig Booliis ama Sarkaal Booliiska ah.

Qodobka 19aad:
Maareynta Baadhista dhacdada fal-dambiyada Jinsi

1. Baadhista faldambiyeedka kufisga iyo xadgudubyada jinsi ee Xeerkani dhigayo waxa fulinaya Booliska oo ay waajib ku tahay in uu baadhista u wado si waafaqsan awaamiirta iyo tilmaamaha uu siiyo Xafiiska Xeer ilaalinta Guud sida ku cad Xeer Habka Ciqaabta.

2. Geedi-socodka baadhista faldambiyeedka xeerkani sheegaya waa in loo wado si ku salaysan xidhiidh wada shaqayneed iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshaan saraakiisha booliska iyo Hawlwadeenada Caafimaadku.

Qodobka 20aad:
Doorka iyo Waajibaadka sarkaalka Bileysku ku leeyahay Baadhista dawadaha

Sarkaalka Booliiska ah ee hela warbixinta dacwadda ama cabashada fal-dambiyeed Jinsi ku cad Xeerkan , waa in uu guto hawlahan iyo waajibaadyadan soo socoda:

b) in uu si haboon u qaabilo una dhagaysto warbixinta ama cabashada, oo sida ugu dhakhsaha badan ugu fidiyo gargaarka iyo ilaalinta uu ubaahdo ama lagama maar maan ka u ah dhibanaha, cidda warka dacwadda keentey iyo markhaatiga la socda, haddii uu jiro
t) si dhakhso diwaanka dhacdoyinka Maalinlaha ee Booliiska u galiyo magaca, jinsiga, da’da iyo xaaladda bulsho ee dhibanha, iyo taariihkda, goorta iyo goobta uu falku ka dhacay
j) in uu ka qaado dhibanaha ama qofka cabshada ama warbixinta soo gudbiyay iyo markhaatiyadaba, hadba kii la helo ee goobta yimid, oo islamarkaana warbixinta laga qoro uu galiyo galdacwadeed rasmi ah loo furo dacwaddaasi
x) In uu si dhakhso ah u gaadho uguna sameeyo baadhis dhamaystiran goobta fal dambiyeedku ka dhacay si uu uga soo ururiyo caddeymaha la heli karo;
kh) In uu xaqiijiyo in dhibanaha aan lagu wareysan meel uu joogo cida la tuhunsan
yahay
d) in uu u sheego dhibanaha xuquuqaha sharcigu siinayo, sida xaqa adeeg caafimaad oo bilaash ah; xaqa haleelka cadaaladda, xaqa adeegyo bulsho iyo sharciyeed oo bilaash ah iyo adeegyada ama xuquuqaha kale
r) marka ay tahay lagama maarmaan, in si dhakhso ah oo aan dib u dhac ku jirin uu dhibanah ugu diro hawl wadeen caafimaad si loo sameeyo baadhis caafimaad (medical/forensic examination);
s) In uu xafido oo aanuu marnaba baahin xogta la xidhiidha cidda uu yahay dhibanuhu ama markhaatiyda
sh) in uu ku dadaaalo in la soo qabto oo la xidho tuhunsanaha/eedaysanaha dambiga, wareysina ka qaado la tuhunsanaha/eedaysanaha marka la soo xidho, warka uu ka helona diiwaan galiyo gal dacwadeedka dacwadaasi u furan
c) in uu u sheego la tuhunsanaha xuquqahiisa iyo dhamman adeegyada uu heli karo ee uu xaqa u leeyahay; gaar ahaanna waa in uu u sheego sababta xadhigiisa oo uu muddada sharcigu qeexay gudaheeda u geeyo maxkamadda; sidoo kalena u ugolaado la thunsanaha in uu la kulmo cidda uu dalbado iyo qareen difaac xataa haddii aanu dalban latuhunsanuhu
g) In uu adeegsado dhamman agabka iyo tabaha dambi baadhiseed ee la heli karo ama suurto galka u ah, sidoo kale soo ururiyo, qabto oo uu xafido dhamman cadeymaha la aqbali karo ee laga helo goobta dabmigu ka dhacay ama baadhistu soo saarto
q) In uu markasta oo ay lagama maarmaan tahay, la tashado xeer ilaalinta, isla markaan xaqiijiyo in xeer ilaalintu ogaato geedi socodka marxaladaha iyo dhammaan talaabooyinka dambi baadhiseed ee khuseeya baadhista
k) in uu si dhakhso ah u gabo gabeeyo baadhista;
l) in uu si deg deg ah u diyaariyo warbixin rasmi oo si faah faahsan u qeexaysa baadhista iyo natiijooyinka ka soo baxay, islamrkaan warbixntaasi u gudbiyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud.
m) in uu xishmeeyo oo fuliyo amarada maxkamdda, oo uu sidoo kalena guto hawlaha iyo waajibaadyada kale ee la xidhiidha dambi baadhista ee uu dhigayo Habka Xeerka Ciqaabtu.

Qodobka 21aad:
Doorka iyo waajibaadka Hawlwadeennada Caafimaadku ku leeyihiin Baadhista fal-dambiyeedyada Jinsiga

Hawl wadeenka Caafimaad ee loo igmado in uu gacan siinta geeddi socodka baadhista dacwadaha fal dambiyeed galmo waxa uu yeelanayaa doorarka iyo waajibaadyada soo socda ee ah:

(1) In uu ixtiraam u muujiyo qofka dhibanaha ah iyo cidda kale ee la socota ee uu qaabilayo;
(2) In aanuu baahin cidda uu yahay qofka dhibanaha ahi; iyo
(3) In si dhakhso ah oo aan dib udhac ku jirin:
b) uu meel cidla ah ku wareysto dhibanaha si uu wax uga ogaado falka jinsi ee uu ka cabanayo;
t) In uu baadhis caafimaad oo dhamaystiran ku sameeyo dhibanaha si loo helo caddeymo (Biological samples);
j) In uu baadhis dhamaystiran ku sameeyo oogada jidhka iyo dharka dhibanaha si loo u helo caddeymo muujinaya in la xoogay dhibanaha;
x) In uu siiyo dhibanaha daaweynta uu u baahdo; iyo
kh) In uu diyaaro oo saxeexo warbixin dhamaystiran oo qeexeysa natiijada ka soo baxday baadhitaanka caafimaad iyo oogada jidhka ee dhibanaha, una gudbiyaa warbixintaasi sarkaalka bileyska ah ee wada hawsha dambi baadhista fal dambiyeedka. Warbixinta baadhista caafimaad ee uu bixinayo hawlwadeenka caafimaadku waa in ayna si cad qeexin ama sheegin in uu dhacay fal dambiyeed kufsi ama xad gudub Jinsi ahi

Qodobka 22aad:
Gudasho la’aan Waajib Baadhis Dacwad Faldambi Jinsi

Sarkaalka bileyska ah ama hawlwadeenka caafimaad ee gudan waaya ama daahiya gudashada waajibaad saaran oo ku cad Qodobada 19 iyo 20 ee Xeer kan ee kalifa in lawaayo ama ay lunto caddeyn la heli lahaa haddii uu waajibkiisa u gudan lahaa si xilkasnimo ahi, waxa uu mutaysan doonaa anshax marin waafaqsan nidaamka anshaxmarineed ee u degsan xafiiska uu ka tirsan yahay iyo ciqaabta ku haboon sida uu dhigayo Xeerka Ciqaabta Guud

Qodobka 23aad:
Oogista Dacwad Faldambiyeedyada Jinsiga

(1) Qaranka ayaa awood u leh oogista dacwadaha faldambiyeedyada Jinsiga.

(2) Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud, isagoo wakiilka ah Qaranka, isla markaana dabaqaya qodobada khuseeya ee Xeerka Ciqaabta Guud iyo Habka Xeerka Ciqaabta, waxa uu awood buuxda u leeyahay go’aan ka gaadhista oogista ama oodista dhammaan dacwadaha faldambiyeedyada jinsiga.

Qodobka 24aad:
Waajibaadka Xafiiska Xeer-Ilaalinta iyo xeer ilaaliyeyaashu ka saaran Dacwadaha Fal-dambiyeedyada Jinsiga

(1) Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud waxa waajib ku ah in uu xaqiijiyo in xeer ilaaliyeyaasha loo xil saaro dacwad faldambi galmo ahi ay yihiin kuwo loo tabobarey oo gaar u ah gudashda waajibaadka iyo doorka xeer ilaalintu ku leedahay geeddi socodka iyo marxalad kasta oo khusaysa dhageysiyada dawcadahaasi.
(2) Xafiiska xeer Ilaalinta Guud waxa ku waajib ah in hogaamiyo baadhista dambiyada galmo oo sidoo kalena xaqiijiyo in geeddi socodka baadhistu u fulo si waafaqsan sarrenta sharciga iyo xuquuqaha dhibanaha iyo la tuhunsaneha
(3) Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud, marka uu helo warbixinta dambi baadhista bileyska ee khusaysa fal dambi jinsi ku cad Xeerkan, waxa ku waajib ah in uu fuliyo oo ka guto dacwaddaasi loo soo gud biyay waajibaadyada iyo hawlaha Xeer Ilaalinta si waafaqsan Xeerkan iyo Qodobada khuseeya ee Xeerka Habka Ciqaabta, .
(4) Ka dib waajibaadka guud ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee ku cad Qodob hoosaad yada kore ee Qodobkani, Xeer-illaaliyeyaha loo xilsaaro dacwad fal dambi jinsi waxa ku waajib ah:

4.1. In uu si dhaw oo iskaashi ku jiro ula shaqeeyo/hawlgalo sarkaala bileyska ee wada baadhista fal dambiyeedka.
4.2. in uu xaqiijiyo in, inta lagu gudo jiro geeddi socodka dacwada iyo marxalad kasta oo ay dacwaddu maraysaba, loo sheego oo uu fahmo dhibanahu;

b) Xuquuqaha uu leeyahay;
t) Faah-faahinta arimaha khuseeya dhagaysiga dacwadda;
j) adeegyada, gargaarka iyo talaabooyinka ilaalineed ee uu loo heli karo;
x) Xaqa in uu helo magdhaw;
kh) xogaha dacwadda khuseeya oo faah faahsan, sida goobta iyo goorta balamaha dhageysiga; siideynta eedeysanaha, haba laga sii daayo saldhig booliis ama jeel eh; iyo
d) si deg-deg ah oo aan dib u dhac ku jirin loogu sharaxo natiijada dacwadda, sida xukun ciqaabeed, ganaax haddii uu jiro, la la xukumay. Haddi ay dhacdo in dacwadda la hakiyo ama lala noqday, in loo sheego lana siiyo qoraal sharaxaya sababta dacwadda loo hakiyay ama loo la noqday dacwadda.\

Qodobka 25aad:
Car-qaladayn Caddaaladeed
(1) Qofka waxa uu noqonayaa dambiille, haddii uu faro galiyo gudbinta cabasho ama warbixin, dambi baadhista ama/iyo oogista dacwad fal- dambi ku cad Xeerkan si uu u horjoogsado, u leexiyo, u marin-habaabiyo, ama u carqaladeeyo hannaanka dhagaysiga ama geeddi socodka nidaamka caddaaladda.

(2) Waa dambi in dadkii falku ka dhex dhacay ama dad magacooda ku hadlaya ay dibadda ku xaliyaan oo heshiis ka gaadhaan dacwad khusaysa fal-dambi jinsi ku cad Xeerkan oo dhagaysigeeda ka socdo maxkammad lana soo weydiisto bahda caddaaladda in la xidho dacwadda lana sii daayo eedeysaneha.

(3) Qofka gala dambi ku cad Qodobkan, waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa siddeed sannadood.

Qodobka 26aad:
Awood Garsoorka Maxkamadda iyo dhageysiga dacwadaha faldambi Jinsi

(1) Haddii dhibanaha dacwadda dambiga kufsi ama faldambiyeed Jinsi ah oo kale oo ku cad Xeerkan uu yahay qof rayid ahi, dacwaddaasi waxa dhageysanaysa maxkamadaha caadiga (Ordinary Courts), ha noqdo eedeysanuhu qof rayid ah ama qof ka tirsan ciidamada

(2) Maxkamadda caadiga ahi (Ordinary Court) ee leh awood-garsoorka dhagaysiga dacwad fal-dambi kufsi ama jinsi waxay u raacayaa dhagaysiga garmaqalka sida ay dhigayaan Xeerka Nidaamka Garsoorka Somaliland iyo Xeerka Habka Ciqaabta.

(3) Dhageysiga maxakamadda ee dacwadda fal- dambi kufsi ama jinsi waa in uu noqdo fadhi xidhan (closed court session) si loo dabaqo xaqa nolosha gaar ahaaneed ee dhibanaha.

Qodobka 27aad: Amarrada la xidhiidha Badbaadada

(1) Heer kasta oo ka mid ah baadhitaanka ama dhagaysiga dacwadda khusaysa fal dambiyeedyada ku cad Xeerkan, maxakamadu waxa u bannaan in ay amarto amar lagu badbaadinayo ama amar kale oo ilaalineed ee lagama maarmaanka u ah ama uu u baahdo ciddan hoos ku xusani:
b) Dhibanaha;
t) Marka dhibanuhu yahay carruur ka yar 15 jir, amarku waa in uuna noqon mid ka reebaya ilmaha waalidkii ama qofka mas’uulka ka ah, ilaa amarka reebistu uu na noqon mid ay kujirto danta ilmuhu, ama ilaa eedeysanuhu uu yahay waalidka ama cidda mas’uulka ka ah ilmaha;
j) Qoyska, qaraabada ama cidda uu ku tiirsan yahay dhibanahu;
x) Markhaatiyada;
kh) shaqaale caafimaad, ama hawl-wadeen caafimaadka u adeegaya dhibanaha ama eedeysanaha;
d) Qareen ama adeeg kaalmo sharci bixiye matalaya dhibanaha ama eedeysanaha , iyo
r) Samo fale, la taliye, ama u adeege bulsho oo caawinaya dhibanaha ama eedeysanaha;

(2) Amarka badbaado waxaa ku jiri kara shuruudo gaar ah oo looga jeedo si looga hortago in eedeysanuhu u geysto wax dhibaato ah, hanjabaad, ama khatar qofka cabashado soo gudbiyay, dhibanaha, ama xubno qoys oo arintu khuseyso, shuruudahaasi oo noqon kara amar:
b) in afar iyo labaatan saacadood gudahood lagaga soo qaado eedeysanaha wixii hub ah ee ku jira gacantiisa ,
t) in laga mamnuuco eedeysanaha in uu wax xidhiidha ah la yeesho cidda cabanaysa, dhibanaha ama cid kamid ah qoys dhibanaha; , iyo
j) in laga mamnuuco eedeysanaha in u jirsado masaafo cayiman hantida ama hoyga qofka cabanaya, dhibanaha ama cid ka mid ah qoyska dhibanaha.

Qaybta Labaad.
Xuquuqha Dhibanaha iyo Eedaysaneha

Qodobka 28aad:
Xaquuqda Daryeelka Caafimaad ee Dhibanaha oo Bilaash ah

(1) Dhibanahu wuxuu xaq u leeyahay in uu helo oo la siiyo daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah, daryeel caqli caqlineed iyo niyad dhisid, iyo in laga baadho cudurka aydhiska, marxalad kasta oo la marayo ka hor, inta ay socoto iyo kadib dacwadda qaaditaankeeda.

(2) Dhibanahu wuxuu xaq u leeyahay in sida ugu dhakhsaha badan leh kadib marka uu dhaco falka xadgudubka jinsi ee lagu lakacy uu uu helo oo uu qaato daawooyinka ka hortaga uurka iyo cudurada galmada la isugu gudbiyo.

(3) Dhibanahu wuxuu xaq u leeyahay inuu codsado oo helo faah faahinta warbixinta baadhista caafimaadeed iyo maskaxeed/niyadeed ee khusaysa dhaawaca soo gaaadhay, natiijada baadhista caafimaad iyo daaweyntiisaba

Qodobka 29aad.
Xaqa Adeega Kaalmada Sharci

1. Dhibanuhu wuxuu xaq uu leeyahay in uu yeesho qareen uu qabsado oo siiya adeega sharci uu u baahan yahay haddii aanu dhibanuhu awoodin inuu isago qabsado qareen qaranka waxa ku waajiba in uu dhibanahaasi siiyo kaalmo adeeg sharci oo lacag la’aan ah

Qodobka 30aad:
Xaqa Nolosha Gaar ahaaneed

(1) Dhibaneha ama marqaatiga fal dambi jinsi wuxuu xaq u leeyahay in aan faahfaahinta cidda uu yahay ama ay tahay la baahin ama loo sheegin cid kale.

(2) Hayadaha ku lugta leh marxaladaha geeddi socodka dacwaddu, waxa ku waajib ah in ka dhigaan fadhi xidhan dhagaysiga markhaatiyada oo ay qaadaan talaabooyin lagama maarmaan u ah dhawrsoonaanta cidda uu yahay dhibanaha ama markhaatiyada, talaaboouinkaas oo noqonkara kuwan soo socda:
b. Ka tiridda meeshii lagu qoray magacyada iyo xogta aqoonsiga;
t. Inaan warbaahinta loo sheegin ama dadweynaha xogta qarsoon;
j. Isticmaalida aalado si kale ka dhiga sawirka ama codka ama talefishinka oo sawiradiisa shucaac lagu furo; iyo
x. Qofka oo magac kale oo aan magaciisa ahayn loogu yeero.

Qodobka 31aad :
Xuquuqda Eedeysanaha

(1) Eedeysanaha waxa uu leeyahay dhammaan xaquuqaha iyo xoriyaadka ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland ee uu leeyahay qofkasta oo loo hayo fal dambiyeed.
(2) Eedaysanahu waxa uu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen ama qareeno difaaca, hadii uu san awoodina qaranka ayay waajib ku tahay in uu eedaysanahaasi helo qareen lacag la’aan ah

(3) Dawladda Soomaaliland waa in ay qaado dhammaan tallaabooyinka habboon ee lagu xaqiijinayo ilaalinta iyo xishmeynta xaquuqaha Dastuuriga ah ee eedeysanaha.

Qaybta Saddexaad:
Qodobo khuseeya Caddeymaha

Qodobka 32aad:
Caddeyn la aqbali karo

(1) Mid kasta oo kamid ah Caddeymaha hoos ku xusan waxa loogu gudbin karaa caddeyn ahaan maxakamad dhageysanaysa dacwad kufsi ah amd faldambiyeed Jinsi oo Xeerkan Ku cad:

b) Warbixin baadhis caafimaad ama maskaxda ah oo muujinaysa dhaawac jidheed, maskaxeed ama niyadeed ee soo gaadhay dhibanaha ama xog kale oo khusaysa dhacdada fal dambiyeeedka .

t) Cusbitaal dawladeed, dhakhtarada cudurada haweenka qaabilsan, dhakhaatiirta dambi baariseedyada ama xirfadleyaasha kale ee aqoonta u leh waxa bannaan in ay dhiibaan warbixin caafimaad oo maxkamadu aqbali karto.
j) Dhakhtarada cilmi nafsiga ee dawlada u shaqeeya, la taliye ama adeege bulsho noocii uu ahaadaba waxaa u banaan in uu dhiibo ama bixiyo warbixin cilmi nafsi oo maxkamadu aqbali karto.
x) caddeyn kasta baaritaan ku salaysan noocii ay ahaataba
d) shay, hub ama walax kasta oo kale ee xidhiidh la leh fal dambi yeed Xeerkan ku cad oo lagalay.

r) Wixii caddeyn ah oo taageereysa caddeyma kale ( corroborative evidance).

s) xaashida Gudbin ama “referto” ka socota booliska ayaa iyana bannaan in caddeyn ahaan loo gudbiyo maxkamadda

(2) Iyadoo aan la soo bandhigin ama la haynin mid ka mid ah ama dhamman caddeymaha kor ku xusan, ayaa la oogi karaa dacwad ka dhan ah la tuhunsaneha hadii la heli karo loona soo gudbiyo maxkamadda caddeymo kale oo la aqabali karo
Qodobka 33aad:
Caddeymo aan la aqbali Karin

(1) Ma banaanna in la xigto taariikh-nololeedka jinsi ( sexual history or background) ee dhibanaha fal dambi jinsi oo noqon karta caddeyn loo addeegsado is difaac ama loogu an dacoodo in :
b) ay u muuqato in dhibanahu ogolaaday falka galmo ama jinsi ee dacwaddu khusayso ; ama

t) marag kaca dhibanahuyahay mid aan la aamini karin ama daacd ahayn .

(2) Ma banaana in uu eedeysanahu ama cid kale oo mataleysa qofka ku eedeysan dacwad jinsi khusaysa sida ku cad Farqadda 1aad ee Qodobkan ay caddeyn ahaan u soo bandhigto in uu dhibanahu la yeeshay ama horey uga ogolaaday eedeysanaha ama cid kale fal jinsi ah oo aan ahayn ka ay dacwadu khusayso.

CUTUBKA AFRAAD:
CIQAABTA
Qodobka 34aad :
Xaaladaha Cusleeya Ciqaabta

Xaaladaha hoos ku taxani waxay noqonayaan sababo culaysiya ciqaabta una ogolaanaya maxkamadda in ay kordhiso ciqaabta ay saarayso dambiilaha:
b) Dhibanaha oo ah qof carruur ah;
t) Dhibenaha oo ah qof uur leh
j) Dhibenaha oo ah qof jilicsan sida qof waayeel/gaboobey, baro kacyaasha, qaxoodi ama aan dal/waddan lahayn
x) Dhibenaha oo qaadey uur ka dhashay kufsiga
kh) Dhibenaha oo ah haween uurlahayd oo fal dambiyeedka lagula kacay dartii u dhicisay;
d) Dhibenaha oo ay soo gaadhay dhaawac jidheed fudud ama dhaawac culus oo maskaxeed ama jidheed;
r) Eedeysanu oo adeegsaday ama ku hanjabey hub , qalab ama aalad kale ;
s) Eedeysanaha oo, markii uu falka samaynayay ama falka kadib , jidhdiley ama kula kacay fal cadawnimo ama ula dhaqmey si bani aadanimada ka baxsan dhibaneha ;
sh) Falka oo lagu hor sameeyo ilmo carruura oo ka yar 15 jir;
dh) Falka oo lagu hors ameeyay dad kale hortood si loo bahdilo dhibanaha;
c) Eedeysanaha ku hanjabey ama handadey in, haddii la dacweeyo, uu waxyeelo gaadhsiin doono eedeysanaha ama cid kale;
g) Eedeysanaha oo mar kale oo horeysay kula kacacay dhibanaha faldambiyeed lamid ah kan dacwaddu khusayso;
f) Eedeysanaha oo ah caadeyste hore loogu xukumay fal dambiyeed kufsi ama jinsi
q) Eedeysaha oo goorta uu galey falka ahaa mid ka dhuumanayey in lagu fuliyo amar maxkamaddeed lagu soo xidhayey ama xabsiga loogu dirayey;
k) eedeysanaha oo ah qof ku tagri falay ama si qaldan uga faa’iideystay meeqaam xileed mas’uuliyadeed ama aaminaadeed; ama
l) haddii cidda dambiga gashay ay tahay laba qof ama ka kabadan

Qodobka 35aad :
Xaaladaha Fududeya Ciqaabta

Xaaladaha hoos ku taxani waxay noqonayaan sababo fududeeya ciqaabta una ogolaanaya maxkamadda in ay yareyso ama hoos u dhigto ciqaab la saarayo dambiilaha:
b) eedeysanaha oo ah qof carruur ah oo da’diisu tahahay 15 ilaa 18 jir;
t) eedeysanaha oo ah qof da’ah/gaboobey,
` j) eedeysanaha oo ah qof maskaxda ka buka, ama
x) eedeysanaha oo ah mid la sakhraamiyay ahaana qof sakhraansan markii uu dambiga galayay.

Qodobka 36aad :
kordhinta iyo Yaraynta Ciqaabta

Marka sida ku cad Xeerkani ay u bannaan tahay in ay kordhiso ama yareyso ciqaabta ay saareyso dambiilaha, maxkamaddu waa in ay tixgaliso intii ay ka khuseeyaanna dabaqdo Qodobada 117 ilaa 123 ee Xeerka Ciqaabta Guud iyo Qodobada ku haboon ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Carruurta ee Soomaaliland

Qodobka 37aad :
Warka uu Dhiibo ama Bixiyo Dhibanaha

(1) Si loo go’aansado xukunka lagu ridayo dambiile lala tiigsanayo qodobada Xeerkani dhogayo, maxkamada waxa u bannaan in ay tixgaliso ama ku xisaabtanto warka ama xogta uu afka ka sheegay ama laga qorey dhibaneha ee tilmaameysa dhaaawaca ama dhibta ka soo gaadhay fal dambiyeedka loo geystay

(2) Xogta ama warka uu bixiyo dhibanuhu ee ee loogu gudbiyay maxkamdda sidawaafaqsan Qodabkan, kama reebeyso maxkamada inay tixgaliso ama ku xisaabtanato caddeyn kale oo kasta oo ay u aragto inay muhiim u tahay goaan ka gaadhista ciqaabta la saarayo dambiilaha.

Qodobka 38:
Ciqaabista Dambiileyaasha Wada jir Dambi u gala

Qof kasta oo haga, amra, dhiirigaliya, la taliya, abaabula, qasba, bilaaba, huriya, kala shaqeeya, gargaara ama qof kale ku caawiya inuu galo dambi ka dhan ah qodobada Xeerkan wuxuu muteysanayaa xukun ciqaabeed la mid ah ka uu mutaysto ama la saarao qofka dambiga galay (the principal offender).

Qodobka 39aad : Amarka Magdhawga

Maxkamada, kasekow xukun ciqaabeed ay xukunto, waxa kale oo u bannaan in ay dambiilaha si waafaqsan Xeerkan loogu caddeyey dambiilenimo ku xukunto inuu dhibanaha siiyo magdhaw ku filan asagoo ku siinaya waqti macquul ah. Amarka magdhawgu waxa uu noqon karaa:
b) Qarashka daawada iyo daaweynta maskaxda ah;
t) Qiimaha daaweynta jismiga iyo shaqada, iyo dib u habeynta;
j) Qiimaha daryeelka cunugga markii uur uu kufsiga ka dhashay;
x) Dhibanaha dakhligii ka lumay;
kh) Qarashkii ku baxay qareenka iyo wixii kale kharash ah ee dhibanaha kaga baxay diyaarinta dacwadda iyo qeybgalka dhagaysiga dacwada oo ay ku jirto kharshaadka kaga baxay jiifka iyo safarka;
d) magdhaw khuseeya Dhawaca iyo xanuunka dhanka niyadda ee soo gaadhay ; iyo
r) khasaare lageed ee kale ee soo gaaray dhibanaha

Cutubka Shannaad:
Qodobo Isku Dhafan

Qodobka 40aad :
Diiwaanka Dambiileyaasha Dambiyada Xadgudub Jinsiga

(1) Xeerkani wuxuu abuurayaa Diwaanka Dambilayaasha Xadgudub Galmo Jinsi (Sex Offender Registry) oo la galin laguna ururin doona xadgudubyada jinsi ee si waafaqsan Xeerkan loogu xukumay xukun ciqaabeed ka badan 4 sannadood oo xadhig ah. Haddii dambiilaha la xukumay uu yahay mid loo xukumay fal dambiyeed xadgudub jinsi oo uu ka galay qof carruur ama naafo ahna, faahfaahinta dambilahaasi waa in la galiyo diiwaanka iyadoo lagu cadaynayo dhamaan falka iyo xadhig ciqaabeedka lagu xukumay.
(2) Diwaankan ku sheegay qodobka koowaad ee qodobkan waxaa ka masuul ah kaydintiisa iyo ilaalintiisaba Booliska Qaybta Dambi Baadhista (CID) waana in ay u samaysaa diwaankaa gaarka ah. Diwaankani la galin mayo eedaysanaha laakiin waxaa la galinayaa Dambiilaha uu dambigu maxkamad horteed kaga cadaado lana xukumo.
(3) Hay’adaha ay khusayso, sharci fulinta iyo hay’adaha dawliga ah ee gudanaya waajibaad qaran oo kaliya ayaa la tusi karaa Diiwaanka dambiilesaaha xadgudub Jinsi waxaana lagu soo saarayaa xeer nimaamiyo uu wasiirku soo saaro oo hagaya sida loo kaydinayo xogta iyo cida arki karta, adeegsigiisa iyo cida loo gudbin karo xogta diiwaanka ku qoran marka loo baahdo.

Qodobka 41aad:
Qorshe Siyaasad Qaran

(1) Wasaaradda waxa waajib ku ah in ay lix bilood gudahood kadib dhaqan galka Xeerkan ku diyaariso siyaasad qaran oo lagu hago hirgalinta iyo maamulida Xeerkan si loo hanto nidaam la aqbali karo oo si mideysan loogu maareynayo dhammaan dambiyada la xidhiidha Jinsiga iyo waliba badbaadada iyo daryeelka qofka dhibanaha ah.

(2) Qorsheha Siyaasadda Qaran waxaa lagu samayn doonaa dib u eegid iyo wax ka badal wakhtiga lagama maarmaan loo arko.

Qodobka 42aad:
Guddiga Kormeerka Xadgudubyada Jinsiga

(1) Xeerkani waxa uu dhisayaa Guddi loogu yeedhayo Guddiga Kormeerka Xadgudubyada Jinsiga oo masuul ka ah maareynta arimaha la xidhiidha dambiyada galmo iyo meel marinta Xeerkan.

(2) Guddiga waxa guddoominaya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; xubnaha Guddiduna waxay ka koobnaanayaan Wasiirka wasaaradan, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaaadka, Wasiirka Caddaaladda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanak Booliiska, iyo wakiilo ka socda hay’adaha maxaliga ah, gaar ahaanna hay’adaha Haweeenka iyo kuwa kale ee maxaliga ah ee ka shageeya arimaha jinsiga (gender) iyo xad gudubyada jinsiga.

Qodobka 43aad:
Waajibaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Caddaalada ka Saaran Dhaqan Galinta Xeekan

Si loo xaqiijiyo dhaqangalinta Xeerkan, hay’adaha dawliga ah ee soo socdaa waxa waajib ku ah in ay si dhakhso ah oo aan dib udhac lahayn u fuliyaan ama u gutaan hawsha halkan loogu xilsaaro:

(1) Wasaaradda Caafimaadku waa in ay xaqiijiso in cisbataalada dawladdu ay yeeshaan xirfadleyaal caafimaad oo ka hawlgala oo u tababaran una xilsaaran fulinta waajibaadyada iyo hawlaha hawlwadeenada caafimaadka ee Xeerkani dhigayo
(2) Guddiga Caddaalada ee Qaranka iyo Maxkamadda Sare waa in ay xaqiijiyaan in garsooreyaal u tababaran oo gaar u ah dacwadaha laxidhiidha dambiyada galmada loo xilsaaro dhageysiga iyo qaadista dacwadaha fal dambi galmo
(3) Xeer ilaaliyaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Booliisku waxa waajib ku ah mid kasta gaarkiisa in saraakiisha Booliiska iyo Xeer Ilaaliyeyaasha loo xilsaaro dacwadaha dambi galmadu ay yihiin kuwo u tabobaran una gaar ah maareynta iyo la tacaalidda dacwadaha noocan ah.
(4) Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada waa in ay xaqiijiso in la helo hawlwadeeno adeeg bulsho (psycho-social service providers) tababaran oo siiya dhibaneyaasha dambi galmo adeegga bulsho iyo gargaar caqli dejin ee ay u baahan yihiin, sidoo kale caawiyo bilayska iyo hawlwadeenada caafimaad ee ku hawlan dambi baadhista dacwadaha fal dambiyeedyada galmo
(5) Wasaaraddda iyo wasaaradaha Caafimaadka, caddaaladda iyo Arimaha Gudaha, Komishanka Ciidanka Booliiska iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waa in ay xaqiijiyaan in geeddi socodka dambi baadhista iyo eedaha dacwadaha dambi galmo eek u cad Xeer kani loo maareeyo si ay ku dheehan tahay woda shaqayn iyo is kaashi ay yeeshaan saraakiisha loo xilsaaro iyo hay’aaha dawliga ah eek u shaqo leh hawlahaasi. Si ujeeddadan loo gaadhona, mas’uullada wasaaradahaas iyo hay’adahaas dawladeed waxa ku waajib ah in si wado jir ah uga shaqeeyaan in:

b) La dhiiri galiyo oo la horumariyo hawlaha iyo addeegyada Xarumaha Baahi
koob ee ka hawlgala Cisbataalada guud ee Hargeisa, Boorama iyo Burco; iyo

t) In laga dhiso oo la gaadhsiiyo Xarumaha Baahikoob magaalooyinka iyo Gobolada kale ee Dalka

Qodobada 44aad:
Awooda Lagu Soo Saarayo Sharuucda

Wasiirku wuxuu, isagoo kala tashanaya wasaaradaha ama hay’addaha caddaaladeed ee ay khusayso iyo ansixinta Guddiga Kormeerka Xadgudubyada jinsigu soo saari karaa xeer hoosaadyo la xidhiidha:
b) Arin kasta oo uu sharcigan ogolaaday in xeer hoosaad loo sameeyo,
t) Hirgalinta iyo fulinta waaxyaha ay khusayso ee hay’adaha dawladdu u dhaqan
galinayaan Xeerkan; iyo
j) Wixii kale ee lagama maarmaan ah ama ah hab la dajiyo si loogu guuleysto ama sare loogu qaado ujeedooyinka Xeerkan.

Qodobka 45aad:
Burid ama Laalid

(1) Waxaa la buriyay Qodobada 398, 399, 400 iyo 401 ee Xeerka Ciqaabeedka Guud.

(2) Xeer kasta ee kale ama qodobkasta oo sharci ama Xeer dhaqameed kasta oo ka soo horjeeda, ama aanan waafaqsanayn xeerkan waa la buriyay waxaana lagu baddalay qodobada Xeerkan.

(3) Qodobada Xeerka Ciqaabta Guud, Habka Xeerka Ciqaabta iyo Xeerarka kale ee ku haboon ee la jaan qaadi kara Qodobada iyo Ujeeddada Xeerkan waxa lagu dabaqayaa faldambiyeedyada uu Xeerkani xeerinayo.

Qodobka 46aad:
Dhaqan Galka Xeerka

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka Golayaasha sharci-dejintu ansixiyaan ee uu Madaxwaynuhuna saxeexo, faafinta rasmiga ah lagu soo saaro

Jamal Jaamac Jiir Baashe Maxamed Faarax
Xoghayaha ku-xigeenka Guud ee Golaha Wakiilada JSL Gudoomiyaha G/Wakiilada JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews